|

“Horta arrintu way balaadhtay oo Markii codka la qaadayey laba guddomiye ku-xigeen may joogin fadhigaasi oo haddi ay maqan yihiin meesha waxba aka dhiman” Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha

Hargaysa 23.Dec 2013 (SDN)- Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi baadhista iyo Tiknoolajiyada ee Somaliland Md.Aadan Axmed Warsame ayaa sheegay in anay lugta kula jirin Khilaafka ka dhex oogan shirguddonka Golaha wakiilada ee Somaliland.

Sidaasi waxa uu ku sheegay mar uu maanta shirjaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa.

Wasiir-Warsame-287x300Wasiirku waxa uu sheegay in Khilaafka u dhexeeya Shirguddoonka ay salka ku hayso Guddihoosadyadii laysku badalay, isaga oo xusay in Guddomiyaha Golaha wakiiladu ku degdegay Ansixinta Guddihoosadyada oo isla maalintii goluhu fadhiisteenba iyada oo aan laga doodin ay ansixiyeen, taasi oo uu sheegay in Muraga ka jira Golaha ay keentay.

Waxaanu yidhi.“Horta Khilaafka ka dhex jira golaha ma ahayn  mid weyn,  lakiin waala Buunbuuniyey, khilaafku wuxu ahaa Guddihoosadyada goluhu oo khilaaf yari ka jiray, hore ayaa loo yidhi Sixun wax u sheeg Sixir ka daran, oo shacabku waxaanb meeshaba oolin loo sheegay si dhibaato ay u dhacdo, dadka fidnada kicinaya waxaan leeyahay dalka Maslax uma ah arrimahasi aad la wareegaysan, shacabkan waxaan u sheegaya in wax khilaaf oo weyni aanu jirin, lakiin Khilaafka wax waaweyneyey Mucaaridka iyo dadka sixun u sheeg ah oo ah kuwa wanaag ka soo horjeeda, iyo dawlad wanaag.”Ayuu yidhi.

Waxa kale oo uu sheegay. “Anigu Arrinta waan ku dhe jiray, xukumadu waxay joojisay ma jirto, lakiin wax khilaafka sal u ahaa, kalfadhigii ugu horeyey ee uu baarlamanku yeeshay ayaa isla markiiba wax loo codeyey Gudiyadii laysku haystay waana arrinta khalkhalka keentay, lakiin wax dawladu olole ay ka gashay ma jirto, kii ololaha ka galilaahan waa aniga, aniguna wax aan olole aan ka galay ma jirto.”Ayuu yidhi.

Wax kale oo uu yidhi. “Horta arrintu way balaadhtay oo Markii codka la qaadayey  laba guddomiye ku-xigeen  may joogin fadhigaasi oo haddi ay maqan yihiin meesha waxba aka dhiman, Go’aanka Maxkamaduna waa Qaboojin la qaboojinayey khilaafka ka jira golaha ee wax kale ma ah.”

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed