|

Gudidii Qaban Qaabada Shirka Kulmiye oo Hogaankoodii Isbedel lagu sameeyay Xili Maalin Qudhi ka hadhay Qabashada Shirweynihii Xisbigaas

Hargaysa 23.Dec 2013 (SDN)- Gudida qaban qaabada shirweynaha sadexaad e xisbiga kulmiye ayaa maanta doortay Gudoomiye iyo afar Gudoomiye ku Xigeen iyo Xoghayaha Gudida Qaban qaabada Shirweynaha Sadexaad ee Xisbiga Kulmiye.

War saxaafadeed uu soo saaray Gudoomiyaha xisbiga kulmiye md. Muuse Biixi cabdi oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Shabakada Qurbejoog.com ayaa u dhignaa Sidan;-

qabanqaabo“Waxa maanta oo taariikhdu tahay 23/DEC/2013 shir ay isugu yimaadeen Guddida Qabanqaabada ee shirwaynaha 3aad ee xisbiga KULMIYE ku doorteen guddoomiye, ku-xigeenno iyo xoghaye, waxaana Guddoomiye loo doortay Abubakar Xaamud Jibriil, halka afar guddoomiye-ku-xigeenna loo kala doortay; Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad Xasan Mowliid Axmed, Guddoomiye-ku-xigeenka labaad Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari), Guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad Cabdiraxmaan Maxamuud Saalax iyo Guddoomiye-ku-xigeenka afraad Sahal Maxamed Jaamac.

Waxa kale oo shirkaasi Xoghayaha gudida qabanqaabada loogu doortay Axmed Cali Maxamuud.

Sidaasi darteedna waxay Guddiga Qabanqaabadu si toos ah u bilaabeen hawlahoodii shaqo.

 

Shirweynaha Xisbiga Kulmiye oo dhawr Jeer Mudo dhaafay ayaa ku astaysan 25 Bishan oo beri oo Keliyi inaga Xigto mana Muuqato Saansaan uu Ku qabsoomo .

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed