Qatar iyo Sacuudiga oo Somalia ka dhisay koox ka halis badan Al-Shabaab
Dilalkii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka dhacay,sida dilkii Xildhibaan Mohamed Warsame {Faysal} iyo Xasuuqii dhaqaatiirta Syria iyo Somalia u dhashay waxaa fuliyay Ciidamadda sida gaarka u tababaran ee Ruuxaanta Damu Jadiid kuwaas oo la mida Amniyaat-ka Al-Shabaab.
Ciidamadda Nabadsugida Ruuxaanta Damu Jadiid waxaa taliye looga dhigay Gaashaanle sare Abdalla Abdalla Mohamed oo loo yaqaan Abdalla Tarbiic.
Ila wareedyo ka tirsan Wasaaradda Arrrimaha dibadda Somalia waxay sheegeen in Ciidanka Ruuxaanta ay maalgelin dhaqaale siiyeen Dowladaha Qatar iyo Saudi Arabia oo hore u maalgelin jiray Al-Shabaab.
Qatar iyo Saudi Arabia waxay doonayaan in dalka Somalia nabad ka dhalan ,wuxuuna dagaalkooda la xiriiraa cabsi ay ka qabaan Shidaalka Somalia ka buuxa maadama uu yahay dal ku yaal dhul hooseeya oo Shidaalka u hoorayaan.
Saraakiil ka tirsan Wardoonka Somalia ayaa xaqiijiyay in Dowladaha Qatar iyo Saudi Arabia amreen joojinta weeraradii Al-Shabaab looga sifeen lahaa degaanada ay Somalia ku hareen,taas oo sababtay in Agaasimahii hore ee Nabadsugida Somalia Ahmed Macalin Faqi iska casilo xilkii Hay’adaas.
Warbaahinta Waagacusub oo dabagal qaatay sedex bilood ku raadineysay Saraakiisha ugu sareeysa Ciidamadda Damu Jadiid ee Ruuxaanta ayaa heshay Sawirka Taliyaha cusub ee Ruuxaanta Damu Jadiid Abdalla Tarbiic.
Waa Kuma Abdalla Tarbiici ? Xageese wax ku bartay?
Abdalla Tarbiic Waa taliye ku xigeenka Hay’ada Nabadsugida Qaranka Somalia,waana Taliyaha Ciidamadda Ruuxaanta ee hoos taga Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Madaxtooyadda Somalia.
Abdalla Tarbiic oo u dhashay qabiilka Dir gaar ahaan Surre Fiqi Omar waa nin aamusan oo aad u degan,waa Gaashaanle sare wuxuuna ku soo biiray Nabadsugida Somalia sanadkii 2009.
Abdalla Tarbiici oo Sudan ku qaatay Tababar la xiriira Nabadsugida ama amaanka wuxuu ka qalin jibiyay Jaamacadda Africa International University ee Sudan ku taal,wuxuu bartay Science iyo Microbiology.
Somalia markii uu ku laabtay sanadkii 2000 wuxuu aas aasay oo maamule ka noqday Jaamacadda Plasma oo Muqdisho ku taal,walina wuxuu ka mid yahay maamulkeeda sare.
Jaamacada furitaankeeda waxaa u maalgeliyay Farah Abdulkadir iyo Abdikariim Hussein Guled maxa yeelay Jaamacada Plasma waxay ka mid tahay Xarumaha ay ugu talogaleen inay ka qortaan dhalinyaro ku biirto Ururkooda Damu Jadiid ama Dhiiga cusub.
Abdalla Tarbiici wuxuu Nabadsugida ka shaqo bilaabay xafiiska Agaasimahii Nabadsugida Mohamed Sheekh,wuxuuna kadib noqday madaxa qeybta burcad badeeda xilligii Ahmed Macalin Faqi la wareegay hogaanka Hay’ada Nabadsugida.
Markii Urur diimeedka Damu jadiid la wareegay talada Villa Somalia waxaa Abdalla Tarbiici laga dhigay Taliye ku xigeenka Nabadsugida Qaranka Somalia.
Madaxweyne Hassan Garguurte ayaa isku dayay inuu Abdalla Tarbiici ka dhigo Taliyaha Nabadsugida laakiin waxaa qorshahaas ku diiday Dowlado Shisheeye.
Hada iskuma wanaagsana Taliyaha Nabadsugida Bashiir Goobe iyo Taliye ku xigeenkiisa Abdalla Tarbiici maxaa yeelay dhalinyaro badan oo ka tirsan Nabadsugida ahna Damu Jadiid ayaa wado kacdoono iyo olole ay doonayaan in xilka taliyaha Nabadsugida loogu magacaabo Abdalla Tarbiici.
Gaashaanle sare Abdalla Tarbiici waxay habeen walba kulmaan oo warbixin siiyaa Madaxweyne Garguurte,waxayna aad iskugu kalsoon yihiin Farah Abdulkadir iyo Abdikariim dhega juun,wuxuuna inta badan waqtigiisa ku qaataa gudaha Madaxtooyadda.
YAA LA SHAQEEYA TALIYAHA CIIDANKA RUUXAANTA AHNA TALIYE KU XIGEENKA NABADSUGIDA ABDALLA TARBIICI?
Abdalla Tarbiici waxay isku xiran yihiin oo Ciidanka Ruuxaanta la maamulo sedex nin oo ka mida Saraakiisha ugu sareeysa Amniyaatka Al-Shabaab waxayna kala yihiin:-
1- Omar Dahir oo qabiil ahaan u dhashay Reer Aw Xasan, Omar waa hogaamiyaha Ciidan si gaara u tababarsan oo ka mida Ciidamada guutada Ruuxaanta Damu Jadiid.
2- Abdikariim Fareey oo ah taliyaha Ciidamadda ilaalada gaarka ee Madaxweyne Garguurte,wuxuuna u dhashay Hawiye,Murusade.
3- Abdirahmaan Tuuryare oo u dhashay Hawiye .Abgaal Waceeysle,waana madaxa hogaanka baarista ee Nabadsugida, Mr Tuuryare wuxuu wax ku bartay Dalka Masar.
Somalia waxaa ka dhici doono dilal qorsheeysan maxaa yeelay Ciidamadda Nabadsugida Ruuxaanta waxay la mid yihiin Amniyaatka Al-Shabaab oo dilal qorsheeysan fulinayay xilligii uu Gudoomiyaha Maxaakiimta ahaa Shariif Sheekh Ahmed.
23 June 2006 ,Shariif Sheekh Ahmed oo khudbad ka jeedinaya Tarabuunka ayey Amniyaatka Al-Shabaab toogteen Martine Elder oo ahaa Filimqaade u dhashay Sweden,wuxuuna duubayay banaanbaxaayaasha uu Gudoomiye Shariif Sheekh Ahmed la hadlayay.
Somalida ma aqoon xilligaas halista Amniyaatka Al-Shabaab sidoo kalena maanta wax badan kama oga in Amniyaat-kii Al-Shabaab bedeleen Ruuxaanta Damu jadiid.
Somali badan iyo Saraakiil ka tirsan Dowladda Somalia ayaa laga yaabaa inay garan waayaan Taliyaha Ruuxaanta Abdalla Tarbiici.
Shacabka Soomaaliyeed wuxuu ku jiraa hurdo dheer,Baarlamaankuna wuxuu noqday fadlan lacag ku shubo.
Somalidu ma waxay noqon doonaan sida Kurdishta mise inteey jaanis heestaan ayey u istaagi doonaan inay siwadajira uga hortagaan halista cusub ee Ruuxaanta Damu Jadiid?
Waa suurtagal inaad Warbixintaan dib u xasuusato xilli xeero iyo fandhaal kala dhaceen laakiin waxaa muhiima inaad ogaato in Kumanaan dhalinyaro Somalia maanta gudaha Muqdisho loogu tababarayo sida qaraxyada loo sameeyo ama dadka loo khaarijiyo.
By Dahir Abdulle Alasow
Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist, a leader of a press watchdog ASOJ, the editor in Chief of waagacusub.com, and outstanding commentator with fearless check on actions of the political groups and others players through investigative journalism, plus defender of the public interest and voice to the voiceless through “the truthful tip of his truth pen”
Member of
VVOJ=Dutch Association of investigative Journalists
RSF= Reporters with out borders
IFJ= Iinternational Federation of Journalists
SOMIJ= Somali Investigative Journalists
SOLDA= Solda Safety Network
ASOJ= Associated Somali Journalists
SOMJON= Somali Journalists in Netherlands
dahiralasow@asoj.org
http://.dahiralasow.com
Tel:+31684863567
Skype : dahir.alasow
facebook.com/dahir.alasow
twitter.com/dahir.alasow1