|

Madaxweyne Xasan Sheekh“Kuwii ka danbeeyey dilka Dhakhaatiirta waa in sharciga la hor keenaa”

Muqdisho Dec 18,2013 (SDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa si kulul u cambaareeyey dilkii waxashnimada ahaa ee loo geystey Dhakhaatiirtii Siiriyaanka iyo kuwii Soomaalida ahaaba, oo maanta lagu dilay agagaarka Siinka dheer ee duleedka Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay falkan mid lagu doonayo in sumcada, karaamada iyo sharafka Soomaaliyeed wax loogu dhimo, isla markaana lagu tuso caalamka in Soomaaliya aysan nabadi ka jirin. Dowladda waxaa ka go’an in la sii wado nidaamka dowladnimada, kala danbeynta iyo soo celinta sumcadda, karaamada iyo sharafka ummaada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hay’adaha amniga oo ku howlan baaritaanka falkan waxashnimo inay soo dedejiyaan isla markaana ay kuwii ka danbeeyey falka dilka Dhakhaatiirta in sharciga la horkeeno.

Falkan ayaa maanta si arxan la’aan ah loogu dilay Dhakhaatiir oo 3 ka mid ah u dhasheen dalka Siiriya iyo Soomaali isagu jirta oo u adeegayey bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa shacabka iyo dowladda Siirya uga tacsiyeeyey geerida 3 da takhaatiir ee Siiriyaanka ah oo u joogay dalka inay shacabka ka saacidaan dhanka caafimaadka.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed