Mayor ku Xigeenka Hargeysa oo la Kulmay Jaaliydayaha iyo Madaxda Bristol, Cardiff, iyo Sheffield(SAWIRO)
Bristol Dec 19,2013(SDN)-Mayor ku Xigeenka Caasimada Somaliland ee Hargeysa Mudane Cabdi Casiis Maxamed Xaashi “Cagoweyne” oo hawlo shaqo u jooga Dalkan Britain ayaa kulamo aad u balaadhan la yeeshay Maayorrada iyo Madaxda Jaaliyadaha magaalooyinka Bristol, Cardiff, iyo Sheffield ee Dalkan UK. Ugu horrayn Mayor ku xigeenka ayaa waxa uu kulan aad u balaadhan la yeeshay Jaaliyada reer Somaliland ee Bristol.
Shirkan oo si weyn loo soo abaabulay waxaa ka soo qayb galay Madax sarsare oo ay ka mid ahaayeen Lord Mayor Faruk Choudhury, Marwo Kerry MacCarthy MP oo ka tirsan Baarlamaanka dalkan UK lagana doorto Bariga magaalada Bristol, Safiirka Wareega ee Somaliland Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed iyo boqolaal ka tirsan jaaliyada reer Somaliland ee ku nool magaalada Bristol.
Musaanibaas waxaa hadalo qiimo badan ka soo jeediyay Mayor ku xigeenka Caasimada Hargeysa oo si balaadhan uga warramay hawlaha ay golahoodu ka hayaan sidii ay u qurxin lahaayeen Caasimada una horumarin lahaayeen, waxaana uu tilmaamay inay ka go’an tahay inay isbedel muuqda ku sameeyaan Caasimada Hargeysa, waxaa isaguna madasha ka hadlay Lord Mayorka magaalada Bristol Cllr. Faruk Choudhury oo sheegay in uu si weyn diyaar ugu yahay wax la qabashada caasimada Hargeysa, waxaana uu tilmaamay in kulan qiimo badan ay yeesheen Mayor ku xigeenka isla markaasna uu xidhiidh balaadhani dhex mari doono Hargeisa iyo Bristol. Waxaana uu tilmaamay inuu aad ugu farxay hadyad qiimo badan oo Mayor ku xigeenka Hargeysa uu Bristol ugu deeqay. Waxaa iyaduna madasha ka hadashay Marwo Kerry MacCarthy MP oo ah xubin baarlamaan oo Somaliland aad ugu ololaysa, waxaanay tilmaantay inay ka war hayso horumarka ay reer Somaliland samaynayaan maalinba maalinta ka danbaysa.
Waxaa isaguna madsha ka hadlay Safiirka Wareega ee Somaliland Amb. Kaysar Cabdilaahi oo sheegay in ay ay isku xidhi doonaan magaalooyinka Dalkeena iyo magaalooyinka Caalmka, waxaana uu xusay in ay waxtar u noqon doonto magaalooyinka Dalkeena, Mayorrada magaalooyinkeenana ay soo casuumi doonaan si ay aqoon iyo isku xidh uga korodhsadaan habka ay u shaqeeyaan Magaalooyinka Caalamka.
Mayor ku xigeenku waxa kale oo kulamo la yeeshay Maayarrada, madaxda iyo Jaaliyadaha reer Somaliland ee magaalooyinka Cardiff, Sheffield, iyo Jaaliyada London oo la kulmi doono Caawa, waxa kale oo Mayor ku xigeenku uu Barri si rasmi ah ula kulmi doonaa Mayor ku Xigeenka Caasimada London.
Faarax Jaama
Somali Voice
somalivoice@europe.com