|

Madaxweyne Xalinta Cabashada Shaqaalaha Tv-ga ma Xaqa ayaad garabka saari, Mise Dulmiga?

Waxaa dhawaanahan warbaahinta ku soo noqnoqday wararka sheegaya in khilaaf xoogan oo lagu kala jabay kana dhexeeyay masuuliyiinta Wasaarada Warfaafinta oo ay ugu horeeyaan Wasiirka iyo Maareeyaha, taas oo ay barbar socotay cabasho shaqaalaha Tv-ga qaranku ka tirsanayeen sida ay sheegeen maamul xumo iyo qabyaalad aan gabasho lahayn oo uu ku kacay Maareeyaha Tv-gu .
hadaba marka la eego labadaa arimood mid ka mid ah waa la soo afjaray ka dib markii la hishiisiiyay  Wasiir Cukuse iyo Maareeyaha Ina cali Gaas,halka cabashadii shaqaaluhu la filayo haatan inay miiska u saaran tahay Madaxweynaha somaliland Mudane Axmed maxamed Siilaanyo , ka bacdi markii ay cabashadooda ka dhageysteen labada wasiir ee xanaanada xoolaha Cabdi Awdaahir iyo Hawlaha Guud C/risaaq Khaliif kulan ay la yeesheen madax-qaybeedyada Tv-ga qaranka  maalintii Axada ee todobaadkan oo sida ilo xogogaal ahi sheegayaan si hufan oo cilmiyaysan loo soo hordhigay tabaha iyo xeeladaha qalafsan ee ka baxsan anshaxa maamul ee maareeyaha Tv-ga qaranku ugu tagri falay awooda xil ee loo igmaday inuu ku maamulo si  haboon masuuliyada qaran  ee uu tuurta u ritay.
waxyaabaha sida gaarka ah farta loogu fiiqay ee uu ku sifoobay maareeyaha Tv-ga ayaa ah Qabyaalad, eex ,maamul xumo, isku dhufashada shaqaalaha, hanti urursi iyo waxyaabo dhaqanka iyo masuuliyada ka baxsan.
Hadaba waxaa iswaydiintu tahay maadaama ay  arintani hor taalo ka garniqideeda Madaxweynaha Somaliland ma u hiilin doonaa xaqa iyo cadaalada kana qaadi doonaa talaabada ku haboon ee ku waajibtay in la mariyo Masuul dawladeed oo ku kacay falalka noocaas ah ee qaran jabka ah , adhaxdana ka jebinaya xukuumada iyo masuuliyadeeda, mise waxa uu Taageeri doonaa xaq darada, cadaalad darada iyo musuqmaasuqa hadheeyay maamulka Tv-ga ee uu Khadar gadh wadeenka ka yahay oo  ku naaxin sidii gafanaha kuna  sifoobi doonaa madaxweynuhu  dulmi Gargaare  gacan siiye ,sacab u garaace.

Illaahaw xaqa  u gargaar
Gobaad Ahmed Hirad
Kampala

Comments are closed