Xaflad lagu soo dhawaynayey Mayor ku xigeenka Hargaysa Cabdicasiis Cago wayne oo soo qaban qabiyeen Hablaha Garoodi Uk oo ka dhacday London
London 19Dec13 (SDN) Xaflad aad iyo aad loo soo agasimay oo ay soo qaban qabiyeen hablaha garoodi ee uk oo lagu soo dhawaynayey maayor ku xigeenka Casimada Somaliland Mudane Cabdi casiis Maxamed Xaashi Cagawayne aya waxay ka dhacday bartamaha caasimada London xafladan oo ka soo qayb galeen dad wayno aad u tiro badan iyo xisbiyada Mucaaradka Ucid iyo Kulmiye iyo Wadani iyo Safiirka Somaliland u Fadhiya Uk Mudane Cali Adan Cawaale iyo fanaaninta reer london xafladan oo ku cusub shacabwaynaha reer uk ayaa waxa la mujiyey wadinayd dhaba oo aan mudo looga arag intii ka danbaysay dorashadii deeganka taas oo mujisay midnimada iyo jiritaanka somaliland iyada oo fananada Saynab Cige Jamaca ay Caasimada Somaliland gudoonsisay Bilad Dahaba taas oo aad loogu riyaaqay waxa kale oo goobta ka hadashay Saciido Suldaan oo ku hadashay Afka hablaha garoodi ee soo qaban qabiyey Xafladan ugana mahad celisay dhamaan Umada reer somaliland ee ku dhaqan uk sida sharafta mudan ee ay uga soo qayb galeen fanaanada Farxiya Fiska aya waxay goobta ku soo bandhigtay heeso ay ugu talagashay iyada oo anay u kala hadhin faniinta reer London ayaa waxay goobta ku soo bandhigeen heeso wadaniya oo dadkii raali galiyey , waxa kale oo goobta la gudoonsiyey shahado sharaf safiirka somaliland Adan Cawaale iyo habalaha garoodi waxa aad uga Muqday Tvga Universa iy qurbejoog.com l oo si aan hagar la aana uga qayb qatay xafladan iyo wariye Cabdixaafid . dadwaynahii ka soo qayb galay Munasabadan soo dhawanta ayaa waxaa hadalo qiimo badan ka soo jeediyay Mayor ku xigeenka Caasimada Hargeysa oo si balaadhan uga waramay hawlaha ay qabteen iyo waxii u dhiman sidii ay u qurxin lahaayeen Caasimada una horumarin lahaayeen inta hadhay , waxaana uu tilmaamay inay ka go’an tahay inay isbedel muuqda ku sameeyaan Caasimada Hargeysa, waxana ay fialayaan ayuu shegay in ay wax qabadkii ay ku dharteen ay ka dhabayn donaa gaabgaabdii xafladan ayaa mayorku waxa uu u mahad celiyey dadwaynahii reer somaliland ee ka soo qayb galay xafladas.