Guddiga Mashruuca dhismaha Wadada-cad ee Hargeysa iyo Sallaxlay oo beeniyay war laga faafiyay wada-hadal dhexmaray Guddigooda iyo Wasiirka Madaxtooyada
Hargeysa December 18, 2013 (SDN)- Guddiga mashruuca dhismaha Wadada-cad ee xidhiidhisa magaalooyinka Hargeysa iyo Sallaxley, ayaa beeniyay war laga faafiyay booqasho uu Isniintii doraad Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Xirsi Cali Xaaji Xasan ku tegay jidkaas dhismihiisu socdo iyo nuxurka wada-hadal dhexmaray guddiga mashruucaas iyo Wasiirka.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu soosaaray Xoghayaha Fulinta guddiga mashruuca dhismaha Wadadacad, Mr. Faysal Maxamuud Xasan, guddigu waxay warkaas ku tilmaamay mid xaqiiqada ka fog.
Xoghayuhu wuxuu faahfaahin ka bixiyay natiijada wadahadalo dhexmaray guddigooda iyo Wasiirka Madaxtooyada iyo kormeerka Wasiir Xirsi, masuuliyiin kale iyo guddiga dhismaha Wadada-cad ay ku tageen jidka xidhiidhiya Hargeysa iyo Sallaxlay, wuxuuna qoraalkaas oo dhamaystirani u dhignaa sidan; “Waxaannu aragnay warbixin maanta ku soo baxday mareegta TOGAHERER oo ka hadlaysay wadahadaladii dhexmaray wasiirka Madaxtooyada, ahna Wasiirka Wadooyinka Somaliland,Mudane Xirsi Xaaji Cali Xasan iyo Guddida Mashruuca wadada cad warbixintaas oo ahayd mid xaqiiqada ka fog.
Nuxurka wadahadaladii labada dhinac dhexmary iyo safarkii ay ku wada baxeen wadada cad si ay ugu kuurgalaan heerka qabanqaabada hawlaha wajiga labaad ee mashruucu waxay ahaayeen sida soo socota: “Malintii bisha December, ahayd 15 ka 2013, waxa la qabtay hadhimo-hawleed guddida mashruuca wadada cad iyo Wasiirka Madaxtooyada ay ku qabteen hoteelka Ambassador. Waxa kalo ka soo qaybgaley hadhimo-hawleedkaas Wasiirka Warfaafinta, Mudane,Cabdilaahi Maxamed Cukuse iyo Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Mudane, Maxamed Muuse Abees, waxa kale oo goobjoog ahaa sarakiil kale oo xukumada ka socota.
Waxay guddida mashruuca wadada cadi u soo bandhigtay fadhiga warbixin ku saabsan qabanqaabada hawsha wajiga labaad ee mashruuca ee hadda socota, iyadoo la filayo in shaqada xoogeedu bilaabmato bisha January, 2014.
Ka dib markii Wasiirku dhegeystay warbixinta ayuu tallooyin iyo tusaalo farsamo u soo jeediyey guddida, kana aqbalay labadii codsi, ee kala ahaa:-
1. Inuu lacagtii ku hadhansaneyd xukuumadda ee la xidhiidhay shantii (5) kilomitir ee ay hore ugu balanqaaday dhismahooda ay soo deyso;
2. Iyo sidii wasiirku hore ugu balanqaaday ay xukuumaddu hananto kharashka ku baxaya shan kiiloomitir oo kale wajiga labaad ee mashruuca, iyadoo guddida mashruucuna ku balanqaaday dhamaystirka 10 kilomitir oo wajiga labaad.
Malintii labaad (16/12/2013) wasiirka Madaxtooyada oo ay weheliyeen Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada iyo saraakiil kale ayey guddida wadadu u raacday, si ay ugu kuurgalaan hawlaha wadada ee hada socda. Waxaanay soo mareen dhamaan goobaha caratuulka loogu sii diyaarinayo dhismaha wajiga labaad ee wadada. Waxa kaloo soo indho-indheeyeen xaalada wajiga kowaad ee wadada iyo caratuulkii la dhigay ilaa Qoolcaday.
Wuxuu waftigu ku soo laabtay Hargeysa casargaabkii isla maalintaas. Wadahadalkii iyo safarkii lagu tagey wadada waxay ku dhamaadeen guul.
ALLA MAHAD LEH
Xoghayaha Fulinta Wadada Cad
Faysal Maxamuud Xasan.”
Qurbejoog.com, Hargeysa