|

Australia oo Haweeney Soomalaiyeed oo caafimaad u tegi laheyd dalkaas u diiday dal ku gal

Melbourne Dec 12,2013(SDN)-Wasiirka Socdaalka ee dalka Australia Scott Morrison ayaa laga codsaday in uu ka noqdo goaan uu hore ugu diiday Haweeney Soomalai ah in dalkaasi ay u tagto qaliin caafimaad.

Ayaan Moxamed oo haatan 25 jir ah ayaa waxa weli ku yaal dhaawac rasaas wejiga kaga dhacday tiyoo jirta laba sanadood uun.

Waxa ay balan-qaad qaliin caafimaad oo lagu daweynayo dhaawaca wejiga kaga yaal ka heshay cisbitaalka Brisbane ee Wesley oo ku yaal dalka Australia.

Balse dawlada uu hogaamiyo reiisul wasaare Abbott ee dalkaasi Australia ayaa diiday in ay Ayaan Siiyaan dal ku gal.

Afhayeenka mucaaridka u qaabilsan dhinaca socdaalka Richard Marles ayaa sheegay in naxariistu ka mid tahay astaamaha reer Australia lagu yaaqanay.

“Wasiir Morrison goaankaasi micno badan sameyn maayo. waxa uu u muuqdaa mid aan xaq aheyn waxana uu u baahan yahay in lagu noqdo”ayuu yiri Mr Marles.

SDN-Melbourne
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed