|

Booliska New York Oo Shaaciyey In Kooxdii Westgate Weerartay Ay Nolol Ku Baxsadeen Dhammaantood

New York:12-Dec-2013(SDN)-CiidankaBooliska  ee Dalka Maraykanka  ayaa sheegay inay muuqato inay Baxsadeen Kooxdii fulisay Weerarkii lagu Hoobtay eek a dhacay xarunta Ganacsiga WestGate.

bolisWarbixin Cusub ay soo saareen Boliiska Magaalada New York ee dalka Maraykanka   ayaa sheegay in Dagaalyahanadii Weerarka ku qaaday Xarunta Ganacsi ee Westgate ay ahayeen Afar ruux  ayna u badantahay in ay baxsadeen iyaga oo Nool.

 

Warbixinta ay soo saareen Ciidamada Boliiska Magaalada New York ee  Maraykanka ayaa shaki galinaysa hadalkii ay hore usoo saareen Sirdoonka Kenya oo sheegaya in Dagaalyahandii Weerary Westagae ay ahayeen 15 Ruux oo ay ku jireen Dagaalyahano  AJaaniib ah.

 

 

Hay’ada booliska aduunka ee Interpol ayaa ka caawinaysa Kenya baadhitaano lagu wado 4 qof oo maydkooda laga soo saaaray burburkii dhismaha kuwaasoo ay ciidamada Kenya uga shakiyeen inay yihiin kooxdii weerarka qaaday.

 

Al-shabaab bog ay ku leedahay Internerka ayay horay ugu sheegtay in dhammaan raggii weerarka qaaday ay ahaayeen naftood hurayaal ku dhintay weerarkaas balse warbixintan cusub ee booliska New York ayaa shaki galinaysa arrinkaas.

 

Waxa warwar weyn ay ku keentay warbixintani ciidanka Kenya oo u haysta in raggii weerarka arxandarrada ah qaaday ay dhinteen, waxana ay haatan ka fikirayaan  meesha ay kooxdaasi ka baxday iyaga oo nool.

 

 

 

S.D.N.

Contact@somalidiaspornews.com

Comments are closed