|

Wasiirradii Loo Xilsaaray Turxaan Bixina Hoggaanka Warfaafinta oo Aan Natiijo Keenin iyo wasiir cukuse oo Hal Adayg Muujiyey

Hargeysa:12-Dec-2013(SDN)-Wasiirradii madaxweyne Siilaanyo u xilsaaray inay dhammeeyaan Muranka shaqo ee dhexyaalla Wasiir cukuse iyo Maareeyaha Telefishanka Dawladda, ayaan wali keenin wax natiijo ah oo la taaban karo kadib markii uu wasiir cukuse ka diiday inuu tanaasulaad ka sameeyo xaqdarradii uu ku arkay wasaaradda uu maamulo iyo dulmiga ka dhex jira halkaas.

murmaySida ay sheegayaan ilo hoose oo Shabakadda qurbejoog.com Heshay, waxa shalay wasiir Cukuse  uu kulamo kala duwan la qaatay wasiirrada arrinta uu madaxweynuhu u diray, iyagoo  si gaar ah wakhti badan Hutel ambassador ugu wada qaatay Wasiirka xannaanada Xoolaha, waxana uu cukuse tilmaamay inuu diyaar u yahay inuu wax badan ka tanaasulo balse aanu ogolaan doonin inuu sii daawado dulmiga shaqaalaha wasaaradda intooda ugu firfircooni tabanayaan oo ah mid mustaqbalka saamayn weyn  yeelan doono, isla-markaana ay waajib ku tahay inuu sida ugu degdega badan wax uga qabto.

Wasiir Cabdi aw Daahir ayaa isagu si weyn iskugu dayey inuu ladqabeehyo cukuse oo arrintaas ilawsiiyo, balse waa uu ka diiday, waxana uu sheegay inuu waxyaabaha kale ee ay maareeyaha isku  jiidheen sida dhaqaalaha  Telefishanka ee meelaha qaldan ku dhaca iyo waxyaabo kale oo khaladaad ahba uu diyaar u  yahay inuu faraha uga qaado,  balse taasi ay tahay arrin lab-jab ku ah  hab-sami-u-socodka wasaarada, waajibna ay tahay in sideeda wax looga qabto.

Wasiir cabdi aw daahir ayaa quus ka istaagay inuu arrintaas ku guulaysto, waxana uu wasiirradii kale ku wargeliyey inay arinta sidaas ku daayaan,  balse waxa ay sheegeen in cukuse kulamo kale lala yeesho si natiijo kale loo raadiyo, balse  cukuse uma eka nin sidaas wax lagaga beddeli karo.

Murankii  iyo yooyootankii wasaaradda ka dhex jirey ayaa wali taagan, waxana maalinba maalinta ka dambaysa wasaaradda ka soo baxaya baaqyo kala duwan oo ay dirayaan shaqaale kala taageersan wasiirka iyo maareeyaha, waxana taasi warwar ku  haysaa madaxweynaha oo isagu dhinaca kale culays badani ka haysto haween marwadu gadhwadeen u tahay oo maareeyaha meesha ku haysta.

Lama garan karo meesha uu saldhigan doono murankani, balse waxa la hubaa inay wada shaqaynta wasaaraddu liidan doonto maadaama labada masuul ee ugu sarreeyaa aanay isku laabsamayn.

 

 

S.D.N.

Contact@somalidiaspornews.com

 

Comments are closed