|

Aabe Dhalay Wiilal Reer Canada ah Oo Hargeysa Kufsi Loogu Xidhay Oo Si Kulul U Cambaareeyey Hannaankii Loo Maray Xadhigga

 

Hargeysa:12-Dec-2013(SDN)- Maxamed Cali Nuur oo ah Aabaha Dhalay Laba Wii loo Maxkamada ku Taalla Magaalada Hargeysa ay ku heshay inay ka qayb-qaateen Kufsi wada-reed ka Dhacay Magaalada ayaa sheegay inaanay wiilashiisu qayb ka ahayn kufsigaas loo haysto.

REER CANADAMaxamed Cali Nuur oo la Hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, ayaa Tilmaamay in Wiilashiisu oo da’doodu tahay 14-jir iyo 18-jir ku dhashay waddanka Canada aanay wax dambi ah gelin, islamarkaana ay waddanka joogeen muddo aad u kooban oo aanay dembigaas ku geli Karin.

“carruurtaydu waxay ku dhasheen Canada, Afsoomaaliga iyo carruurta xaafadda deggen ee wax kufsatay midna isma yaqaanaan, waddana ma ay  joogin xilli ay arrimaha noocaas  oo kale ah ay galaan, nasiibdarrona waxa lagu haystaa kufsi la sheegay in loo geystay hablo joogay guri wasiir Somaliland ah” ayuu yidhi Maxamed Cali Nuur.

Sidoo kale waxa uu Maxamed tilmaamay inaan Maxkamaddu wax baadhitaan ah oo arrintaas lagu xaqiijinayo aanay samaynin,  taasina ay keentay in dulmi badani dhaco, waxana uu yidhi, “ maxkamaddii  halkii ay baadhitaan ka samayn lahayd, waxa dhacday in wasiirro iyo ciidan RRU ah oo is wataa aqalkii u soo daateen oo ay carruurtii kaxaysteen oo ay garaaceen oo da’dii ka beddeleen kii yaraana loo qoro 17-jir, kii weynaana loo qoro 19-jir, waxana lix cisho Gudahood lagu soo taagay maxkamad iyadoo mid walba lagu xukumay Toban sano oo xadhig ah.”

Waxa uu maxamed sheegay in carruurta laga soo xukumay aqalka wasiirka, isla-markaana garsoorihii qirtay inay culays lagu saaray inuu muddo dheer ku xariiqo kooxdan kufsiga ku eedaysan, waxana uu yidhi, “maxkamaddu waxay ahayd mid afduub ah, carruurtaydana waxa laga soo xukumay Aqalka Wasiirka, garsoorahana afkiisa waxanu ka  haynaa  in culays la saaray oo lagu yidhi Toban sano ha uga yaraynin.”

Kufsigan ay caruurtani ku eedaysan yihiin, ayaa waxa uu Hargeysa ka dhacay bishii  July ee Sanadkan, waxana loo soo qabtay koox ka  badan Labaatan qof, iyadoo intoodii badnayd lagu xukumay Min toban sano.

 

S.D.N.

Contact@somalidiaspornews.com

 

 

Comments are closed