|

‘’Maanta Puntland Dowladda dhisan weeye nidaam leh, dastuur leh, calan leh, xeerar kale leh, ciidan kala gedisan leh, waxay hormuud u tahay dowladd Somaliyed oo Federal ah’’ Madaxweyne Faroole

Garowe 11.Dec 2013 (SDN)- Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamed Farole oo maanta 10 Dec, 2013 dalka dib ugu soo laabtay ayaa sheegay in Puntland aysan joogin heerkii shan sanno ka hor joogtay, isagoo raacshay in xukuumadiisu ku talaabsatay horumar balaaran.

faroole3Kumanaan dadweyne ah ayuu kula hadlay fagaaraha Barxada Garowe oo si diran ugu soo dhoweeyay magaalada, iyagoona wadooyinka la safnaa sawirka madaxweynaha iyo calanka Puntland, waxana uu ka hadlay waxay soo qabteen tan iyo 2009 iyo waxa ay damacsanyihiin hadii ay ku soo laabtaan xafiiska.

Dr. Farole iyo wafdigiisa ayaa saddex maalmood ku maqnaa magaalada Jigjiga ee dalka Ethiopia oo xuska qowmiyadaha uu ka jiray, waxana uu ka mahadceshay qaabka wanaagsan ee dadweynuhu u soo dhaweyeen.

‘’Maanta Puntland Dowladda dhisan weeye nidaam leh, dastuur leh, calan leh, xeerar kale leh, ciidan kala gedisan leh, waxay leedahay shacab wayne iyo dawlad wada shaqeynaya oo isku kalsoon, waxay hormuud u tahay dowladd Somaliyed oo Federal ah’’ ayuu yiri Farole oo ka hadlay Puntland 2014.

Wuxuu sheegay inaysan isku tayo ahayn musharaxiintii 2009 iyo kuwa haatan jooga ,waxana uu yiri ‘’kuwii isa soo sharaxay2009 iyo kuwa hada isku tayo maahan, wagaas waxa isa soo sharaxay dad yar oo dhab ay ka tahay dowladnimadu anaa ka midahaa’’.

Musharaxiinta qaybtood ayuu ku eedeeyay Dr. Farole inay lacago ak soo qaateen xukumada Muqdisho islamarkaasina doonayan inay fowdo iyo qas ka sameyaan Puntland si mamulka meesha looga saaro oo gobol gobol laga dhigo.

Horey inay u sii anbaqaadi donaan horumarka Puntland ayna sixi doonan dhaqaalaha ayuu balan qaaday madaxweynuhu hadii la doorto mar labaad, isagoona raacshay inuu oday dhaqameed noqonayo hadii laga guuleysto doorashada 2014.

Garowe SDN.

Qurbejoog.com

 

 

Comments are closed