Xubnihii Isku Magacaabay Awdal State ee Miisaanka Siyaasadeed lahayn oo dalka dib ugu soo laabtay iyo Soo dhawayn Balaadhan oo loo sameeyay DAAWO
Hargaysa 11.Dec 2013 (SDN)- Xukuumada somaliland ayaa maanta soo dhaweysay Siyaasiyiintii haystay aragtida Awdal state oo uu hogaaminayo rashiid Al Nuur ku xigeenkiisa xubno l socoday kuwaas oo kusoo guryo noqday dalkooda hooyo ee Somaliland kadib markii ay wada hadalo la galeen xukuumada Somaliland ee uu hormuudka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
Waxaa madaarka Cigaal International Airport ee Hargaysa kusoo dhaweeyey Badhasaabka gobolka Awdal Xubno ka tirsan golaha wasiirada Somaliland xildhibaanada labada golle qaran salaadiin iyo waliba marti sharaf kale oo aad u tiro badan.
Wasiirka Shaqada Iyo Arimaha Bulshada MAxamuud Barre Garaad “Wafti ka socda awdal state oo kusoo guryo noqday gurigiisii rasmiga ahaa ee somliland iasaga iyo xubnihiisa kalaba anigoo ah wasiirkii Wasaarada Shaqada Arimaha bulshada Somaaliland kana so jeeda gobolka awdal waxaad u timaadeen dal namada oo dimuqraadiyad ku dhisan adiga iyo waftida kale ee kula socdaba isha allaahu wixii wada hadala gadaalbaanu ka wada hadli doonaa”
Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Badhasaabka Gobaka Awdal Cabdoo Axmed Aayar “waxaanu halkan kusoo dhaweynaynaa mudane Rashiid al Nuur iyo xumnaha kale ee la socda Aamina Daahir iyo muuse oo aan leeyahay kusoo dhawaada dalkiinii iyo dadkiinii runtii bini aadamku fikrado wuu qaadan karaa marbana sida uu u arko ayuu ta haboon qaadaa md rashiid oo markii hore ahaa Awdal state maantana halka ay kusoo noqdeen ay tahay dalkoodii Somaliland oo maanta ah halka ay yimaadeen oo ay kusoo guryo noqdeen oo qaranimadeeda iyo midnimadeeda ay la socdaan oo wax badan ay ka tari doonaan isku xidhnaanta iyo raadinta ictiraafkaba waxan leeyahay kusoo dhawoow maanta “
Ugu danbayntii waxa halkaasi ka hadlay Madaxweynihii maamulka Awdal State Rashiid Al Nuur waxaana hadalkisii kamid ahaa “ halkan waxa aan salaam qaaliya oo tii islaamka ah aan uga soo gudbinaya wasiirada salaadiinta ciidamada dawlada hooyooyinka dhalin yara iyo warbaahinta intaa kabacdi waxaan si gaara u salaamayaa madaxweynaha Somaliland Axmed Maxmuud Siilaanyo oo waxbadan kazoo qaatay wada hadalatii,
Waxaa maanta farxad weyn noo ah sida aad nooshoo dhaweyseen idinkoon u kala hadhin madax iyo bulshaba,
Sidoo kale waxaa farxad inoo wada ah dhamaanteen in maanta awdal state dalka kusoo guryo noqotay dhulkoodii hooyo kadib wada hadalo u bilowday maamulka awdal state iyo dawlada Somaliland kaas oo wajigiisii koowaad ka bilowda dalka emarateka carabta gaar ahaan Dubia gabagabadiina uu ku dhamaaday is afgarad kaas oo dhaliyey imaatin kayaga maanta
Mudaneyaal iyo marwooyin muddo sadex sanno ah waxaanu samaynaynay daraasad cilmiyeysan anaga o o wadatashiyo kala duwan la yeelanay bulshadayada , halkan maanta waxaan ka cadeeynayaa inagoo ku jirna bishii deseber ee sanadka ugu danbaysay inaanu ka noqonay mawqifkii Somali weyn aanu ka noqonay laga bilaabo maanta waxaanu diyaar u nahay inaanu diiri galino midnimada umadayada ,
Ujeedoyinkii loo abuuray Awdal state may ahayn in Somaliland lagu burburiyo ee waxa ay ahayd in wax lagu saxo”
Waftidan maanta lasoo dhaweeyey maanta ee ahaa siyaasiyiintii amisana Awdal State ayaa noqonaysa talabo ay xukuumada hormar ka samaysay mar hadii lagu qaciyo sidii ay dalkooda hooyo wax ula qaban laha yeen dadkooda ee la xidhiidha siyaasada waxbarashada ganacsiga oo ay talo ug biiran laha yeen .
Maah markii horaysay ee xubno amisan aragti ka soo horjeeda dalka somaaliland ay dib ugu soo labtaan mudo ka badan 22 sano.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com