“Wasarada Arrimaha Dibadu waxay Billoowaday in Dunida ay ka Dhaadhiciso Sidii Somaliland dhaqaale xoogan uga heli lahayd wadamada Caalamka” Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland
Hargeysa 11.Dec 2013 (SDN) Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa ku dhawaaqay in Awood uu saarayo siddii Somaliland dhaqaale xoogan uga heli lahayd Dawladaha Caalamka.
Sidaasi waxa uu ka sheegay mar uu Maanta ka soo Laabtay Safar uu ku maray dalka Yugaadh, Ingiiriska, Dubai, waxaanu uu sheegay in Guul ay ku soo dhamaadeen Kulamadii uu la yeeshay madaxda Dawladahaasi.
Wasiirka Arrimaha Dibada waxa uu yidhi “Wasarada Arrimaha Dibadu waxay Billoowaday in Dunida ay ka Dhaadhiciso Sidii Somaliland dhaqaale xoogan uga helilahayd wadamada Caalamka ee dalkeena xidhiidhka la leh.”
Dhanka kale wax auu sheegay wasiirku in intii uu dalalkaasi uu ku sugnaa uu kulan la yeeshay Madaxda Shirkada shiidalka ka badhaysa Somaliland.
Waxa kale oo uu sheegay in Dalka Yugaandha ay ka heleen casuumad rasmi ah oo la soo casuumay Madaxweynaha Somaliland Sanadka cusubna ay dalkaasi tegidoonan.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com