|

“Qorshayaashii lagu weerari lahaa Al-Shabaab ayaa socda” Nicholas Kay

Nairobi 11.Dec 2013 (SDN)-Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay inay socdaan dejinta qorshayaasha dib loogu billaabayo howlgallada milateri ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Nicholas-Kay.1Nicholas Kay ayaa Talaadadii shalay u sheegay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in loo baahan yahay in maleeshiyada Al-Shabaab laga saaro deegaannada ay ka taliso si ay u suurtagasho inay Soomaaliya ka dhacaan doorashooyin sanadka 2016.

Kay ayaa sheegay inay Soomaaliya sameyneyso horumar kaddib in ka badan 20 sano oo ay colaad ku jirtay, walow wali qeybo badan oo ka mid ah dalka ay gacanta ku hayso Al-Shabaab.

Wuxuu xusuusiyay Golaha Ammaanka inuu bishii September uga digay golaha in haddii Soomaaliya ay hooy u sii ahaato kooxaha argagaxisada, saameynta laga dareemi doono Afrika oo dhan.

Dabayaaqadii September, Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii dadka badan ay ku dhinteen ee ka dhacay xarunta dukaamaysiga ahaan jirtay ee Westgate ee ku taallay magaalada Nairobi.

Nairobi SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed