Qormadii 52-aad War La’aanta Xukuumada is-nuuga ah iyo qarniganoo ah kii kacdoonka ay shacabku xuquuqdooda ku raadsanayeen
Waxaa dastuurka Somaliland uu muwaadinkasta oo Somalilander ah uu u-damaanad qaadayaa oo uu xaq-u-siinayaa in uu aragtida fikirkiisa, dhiibashada rayigiisa, cabirista maskaxdiisa, hilaadinta indheer-garad-nimadiisa, abaabulka dhigiisa, sheegista iyo meel-marinta taladiisa, edeeynta iyo toosinta xukuumadiisa uu intaba uu xor u-yahay ,xaqna u-leeyahay isaga oo dhawraaya oo aan ku-talax tegeyn milgaha, karaamada iyo xuquuqda muwaadin-kasta uu siiyey dastuurka qaranku, Waa hadii aynu run-sheeg nahay oo ay inaga dhab-tahay in aynu dhab-dha-bano oo kab-kabano oo dhirin-dhirino oo miiqno oo tol-tolano oo toos-toosino Dimuquraadigeena dada’yar ee milanka iyo may-dhanaanka noqdey ee silan ee sirxan ee sirgacan ee sidkan ee solmay ee saqiirey ee socodkii-baran-waayey ee sii rifmaaya, ee ribanaaya ee sii ruxmaaya ee raarmaaya ee sii ragaa-daaya ee ra-ranka ay maanta saartey xukuumadeenii oo aheyd tii gacanteedii lagu aaminey ee loo dhaariyey. Subxaan Allah !!
Shacab-yahow gobta ahi– Wadanka Miyaan la wada laheyn? Hadiise la wada leeyahay, Miyaan Taladiisa, Tilmaantiisa iyo Toosintiisa la wada laheyn?? Shacab yahow Meedey Haybadii iyo Haykalkii dawladnimo? Dastuurkeenii ma wuxuu noqdey La joojiyaana banaan, la jiifiyaana banaan?
Shacab yahow miyeynu ka yeelnaa Xukuumadeenan is nuuga ah ee afka u-dhigatey anfacii iyo ilihii dhaqaalaha ee yaraa ee wadanka oo dhan? Shacabow miyeynu ka yeel-naa in Xukuumada Siilaanyo ay ka dhigto Dimuqraadigeenii Kab-la gashado oo kolba la is lee-keysiiyo ?? Waa Maya !!
Shacab-yahow waxay xukuumadii afka saartey dariiq-silan oo sabool ka ah sinaan iyo cadaalad. Shacabow waxaa la soo gaadhey waqtigii ay shacabka reer Somaliland ay kacdoodka salmiga ah ay xuquuqdooda ku raad-sanayeen. shacbow waxaa si salmi ah aad u- cabirtaan dareenkiina, garaadkiina iyo garashadiina.Shacabow waxaa idinla gudboon in aad maanta ka tashataan, ka dhii-dhidaan waxyaabaha foosha xun ee cabudhinta ah ee hada wadanka ka socda.Shacabow ka gil-gisha handidaada,Bah-dilaada, cabudhinta iyo cago-jugleynta joogtada ah ee ay xukuumadu ku hayso xoriyatal-qawlkiina iyo karaamadiina.
Shacabow Xukuumada Siilaanyo waxay jebisey xuquuqul-insaankii, axdiyadii qaramada midoobeey iyo qaynuunadii dawliga ahaa ee caalamiga ahaa. waxa ay jebisey baaqyadii caalamiga ahaa ee xuquuqda Aadamiga iyo xoriyada Aas-Aasiga ah. Waxa ay jebisey dhiibashadii iyo soo bandhigista rayiga iyo xoriyatul-qawlka xaasaasiga ah ( Universal declaration of human rights ).Waxaa hada uu xukuumadii xaalkeedii noqdey. ha -hadlin, ha shirin, ha showrin, ha banaan bixin iyo car-juuq-dheh.lagana yeeli-maayo!! Waxaa shacabow aan caad idinka saarneyn in ay dawladu lug-ku laheyd kiiskii Hubaal. Kiiskii Xil-dhibaan Ina-faarax Qabile, hab-dhaqankii sharci darada ahaa ee ay ula dhaqantey una xidhey Luul-Hassan mataan oo samo-fal ka shaqeyneysey, Bah-dilaadii ay Madaxdii Xisbiga U-cid Gebiley laga soo celiyey.Muwaadinow dib-u-raac dhacdooyinkii isdaba yaalka ahaa ee dhacey intii ay xukuumadani hogaanka wadanka haysey, bal-u-fiirso Golaha sare ee kacaanka ee qarsoon ee lama taab-taanka ah ee xukuumda Siilaanyo kuwaas oo kheyraadkii wadanka ee dabiiciga ahaa ee loo wada sinaa sawir ka qaatey dhamaan wadanka JSL oo ku mashquuley sidii ay shirkado booli ah oo aan bireysneyn ay suuq-madow ugaga iibin lahaayeen. waxaana la isku wada raacey in ay xukuumada Siilaanyo ay intaa u-dheer-tahay oo ay ku habsatey Aafo musuq-maasuq iyo ku tagri falka hantida yared ee ummadda ka dhaxeysey. Shacabow waxaa la soo gaadhey waqtigii aad banaan-baxyada iyo dhawaaqa dheer aad dareenkiina ku muujineyseen ee aad xukuumada tuseyseen dareenkiina Taban.
Guntii iyo Gebagebadii qoramadan: Waxaan aad iyo aad uga xunahay in ciidankii RRU-da ay dawlada Siilaanyo u-isticmaashey sife ka baxsan sifihii ciidamadaa loo abuurey oo aheyd in ay arga-gixisada la dagaalamaan. Waxaan leeyahay Xukuumada Siilaanyo xisbiyada mucaaradka ahi waxay xaq-u-leeyihiin in ay banaan-baxaan oo ay taageerayaashoodu dareenkooda si salmi ah u-muujiyaan.Waxaana taariikh loo hayaa Siilaanyo oo mudaaharaadyadii uu kursiga u-soo maray ku dhawaaqaya “shafka ha loo dhigo rasaasta oo hala mudaaharaado“Waxaan leeyahay xukuumada Siilaanyo qarnigan la joogaa ma aha qarnigii dhegaha la fureysanaayey ee la iska indho iyo dhegaba tiraayey dhawaaqa dheer ee shacabkii ku dirtey ee ku doortey ay kugu toosi-nayaan ee hareerahaaga eeg waxyaabaha ka socda oo ha lagaa helo” Leader-ship” wada-tashi iyo waxqabad ku saleysan sinaan iyo cadaalad.Waxaan leeyahay Sida ugu dhakhsaha badan xoriyadooda ugu soo celi Muwaadiniinta xisbiga U-cid ee Liisanka u-haysta shaqadaa ay gudanayeen ee lagu soo xidhay.
Alleh ayaa Mahad leh,
Waa-Lahum-Aclam-Wa-Bilaahi- Towfiiq
Qalinkii A/rahman Fidhinle
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London