|

Gudoomiyaha Waddani oo Sheegay in Xubno Wasiiro ahi Hagar daamaynayaan Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha {DHAGAYSO}

Hargaysa 11.Dec 2013 (SDN)-Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee Waddani Cabdiraxmaan  Maxamed C.laahi Cirro si weyn usoo dhaweeyey Taageerayaal tiro badan oo   ku soo Biiray Xisbigiisa oo uu tilmaamay inaan xisbiga cidina ka lahayn.

OLYMPUS DIGITAL CAMERAGuddoomiye cirro waxa uu walaac ka muujiyey Tallaabooyin qaldan oo uu sheegay inay qaar ka mid ah wasiirada xukuumaddu ku hagardaamaynayaan diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha  oo ah mid  horseedaysa in doorashooyin xor ahi dalka ka qabsoomaan.

Sidoo kale guddoomiye Cirro waxa uu si aad ah u cambaareeyey tallaabadii xukuumaddu Magaalada Gabiley kaga hor istaagtay Masuuliyiinta Xisbiga Ucid oo uu ku tilmaamay tallaabo qaldan.

Waxa kale oo uu Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland uu xukuumadda ugu baaqay inay Ilaaliso xorriyadda Hadalka iyo Madax-bannaanida Saxaafadda oo beryahan dambe hadal badani ka taagan yahay.

Guji halkan oo Mobilkaaga ka dhagayso
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/cirro11(1).mp3″]
Hargaysa SDN,

Qurbejoog.com

Comments are closed