Faroole oo dalka ku saalabta ka waramay waxqabadkiisa
Garoowe Dec 11,2013(SDN)-Madaxweynaha Dowlada Puntland ahna Musharax u taagan doorashada Madaxtooyada 8 Jan, 2014 Dr. Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa shalay (Talaata 10 December, 2013) si weyn loogu soo dhoweeyey Magaalada Garoowe kadib markii uu safar kaga soo laabtay Dalka Ethiopia.
Dadweyne tiro badan, Madaxweyne Ku xigeenka, Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda, Maamulka Gobolka iyo Saraakiisha laamaha Amaanka ayaa madaxweynaha ku sii sugayey garoonka diyaaradaha Garoowe halkaas oo uu salaan sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada qalabka sida ee Puntland (Daraawiishta).
Kumanaan shacab ah oo lulayey Boorar, Sawiro, Calamo iyo Caleemo qoyan ayaa isugu soo baxay wadada u dhaxaysa Garoonka diyaaradaha iyo Gudaha magaalada halkaas oo ay ka galeen safaf dhaadheer si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan in markale loo doorto xafiiska Dr. Faroole.
Madaxweynaha ayaa kumanaan dadweyne ah oo ku dhawaaqayey erayo ay ka mid yihiin Anagaa kuu baahan, Dalkaan kaa maarmi karin, Guulayso, Garabkaaga naga filo, Wax la taaban karo baad noo qabatay kula hadlay bartamaha magaalada halka loo yaqaano barxada isagoo u soo bandhigay qorshihiisa waxqabad ugana mahadceliyey sidii diiranayd ee ay u soo dhoweeyeen.
“Waxaan idiin ka mahadcelinayaa dhamaantiin sida diiran ee quruxda leh ee aad ii soo dhoweyseen waana mid I dhiiri gelinaysa” Ayuu yiri Madaxweynuhu oo hadalkiisa ku sii daray “Shan sano ka hor Ayaan halkan idin kala hadlay anigoo musharax ah maantana waxaan idin la hadlayaa anigoo markale sharaxan”.
Wuxuu sheegay in Xukuumadiisu Waxqabad muuqda dalka gaarsiisay mudadii uu xafiiska joogay gaar ahaan dhinacyada Horumarinta, Amaanka, Maamul wanaaga, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Siyaasada Arrimaha Dibada isagoo xusay caqabado jira awgood inaysan u suurtagelin dhamaystirka qorshayaal badan oo ay damacsanaayeen sida geedi socodkii dimuqraadiyeynta.
Dr. Faroole wuxuu u balan qaaday dadweynihii uu la hadlayey hadii markale xafiiska loo doorto inuu xooga saari doono hirgelintooda Mashaariicda qabyada ah, Horumarinta, Dhaqaalaha, Amaanka, Dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, Maamul baahinta iyo Dimuqraadiyeynta isagoo xusay qorshayaashiis qaarkood inuu haysto saaxiibadii ka gacan siin lahaa.
“Ma aqbali doono in dhaqaalahayagu u sii dhutiyo lacagta shilin soomaaliga mar hadii ay ku guuldaraysatay Dowlada federaalku inay soo daabacdo lacago cusub marka ugu horaysa oo xafiiska lay doorto aniga iyo baarlamaanku waxaan ka shiri doonaa sidii lacago cusub oo Puntland leedahay loo soo daabici lahaa” Ayuu yiri Madaxweynaha oo sharaxayey qorshihiisa dhaqaalaha.
Musharaxiinta la loolamaya ayuu ku duray inay yihiin badankood kuwo aan u haynin wax dan ah umada qaarkoodna laga soo abaabulay meelo kale ujeedadooduna tahay sidii ay fowdo iyo qalalaase uga abuuri lahaayeen Puntland.
Wuxuu waxba kama jiraan ku tilmaamay eedaymo uu Xukuumadiisa u soo jeediyey Musharax Cabdiweli Gaas isagoo cadeeyey inuu sabab u ahaa noqoshadiisii Raysal Wasaaraha Soomaaliya balse hawlihii loo igmaday uu ku guuldaraystay meelmarintooda taas bedelkeedana uu carqaladeeyey Dastuurkii, Khariiradii Road Map iyo Deeqihii beesha caalamka halka uu kala qaybiyey Isimadii Puntland uuna dhaawacay maqaamkii deegaanadani ku lahaayeen Dowlada dhexe ee Soomaaliya.
Madaxweynuhu wuxuu ka tacsiyeeyey dadkii rayidka ahaa ee ku dhintay dagaalkii Taleex isagoo ku eedeeyey qaswadayaal aan u turaynin dadkooda inay duulaan ku soo qaaadeen halkaas wuxuuna ku booriyey waxgaradka iyo Cuqaasha Puntland inay gacan ka geystaan sidii xal waara looga gaari lahaa dhibaatadaas.
Soo dhoweynta weyn ee maanta loogu sameeyey Madaxweyne/Musharax Dr. Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Maxamuud (Faroole) Magaalada Garoowe ayaa ku soo aadaysa xili uu dhowaan ku dhawaaqay inuu markale u tartami doono Madaxweynenimada Puntland talabaadaas oo keentay in meelo badan oo ka mid ah daafaha dunida iyo Dalka gudihiisa si weyn looga soo dhoweeyo.
Xafiiska Warfaafinta Gudiga Ololaha
Madaxweyne/ Musharax Dr. Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Maxamuud (Faroole)
E. faroole.election2014@gmail.com FB: Puntland President Office Web: abdirahmanfarole.com