|

Urur Siyaasadeedka UDAD oo war ka soo saaray xaalada Puntland

Garoowe Dec 11,2013(SDN)-Urur siyaasadeedka UDAD ee Puntland ayaa war ay soo saareen waxa ay uga hadleen xaalada Siyaasadeed ee maamul goboleedka Puntland ee dalka Soomaaliya.

Ku: Hogaamiyayaasha dhaqanka Puntland   Rugohooda

Ku: Murashaxiinta Xilka Madaxweynaha Puntland  Rugohooda

Ku: Beesha Caalamka      Rugohooda

Ku: Urur Goboleedka IGAD     Rugtiisa

 

WARSAXAAFADEED

 

Ururka siyaasadeedka dadka Puntland ee (UDAD) wuxuu aad uga xun yahay habacsanaanta geedi socodka siyaasadda Puntland ee waqtigan xaadirka oo ah mid aan loo dulqaadan karin.

UDAD; wuxuu u arkaa cid kasta oo masiirka guud ee ummadda iyo dalka Puntland ka qaadata go’aan shakhsi ah ama aan tala wadaag ahayn; KELIGI TALIS.

UDAD; wuxuu tilmaan burbur u arkaa labada guddi ee loo magacaabay xalinta khilaafaadka baarlamaanka Puntland.

UDAD; wuxuu u arkaa ayaandarro iyo ceeb is faham la’aanta isimada Puntland oo ahaa hay’ad aan dhicin oo Puntland ay ku faanto.

 

HADABA, URURKA DADKA PUNTLAND EE (UDAD); wuxuu dalbanayaa isagoo ku hadlaya guud ahaan magaca xubnaha ururka;

 

  • In si deg-deg ah ay wada hadal u galaan murashixiinta xilka madaxweynanimada Puntland, ayna soo saaraan hal guddi oo laysku waafaqsan yahay.

 

  • In isimadda puntland ay dib u xusuustaan hab dhaqankii aabayaashii ay ka dhaxleen xilka, isla markaana kursiga sharafta leh ee aan dhicin oo ay ku fadhiyaan, uu noqdo mid aan la gadgadoomin hogaanka siyaasadda Puntland oo aan isagu Joogto ahayn,  xilliganna looga baahan yahay inay isu taagaan badbaadada Puntland iyo doorasho xaalaal ah oo ka dhacda 8da bisha Jnnaayo ee 2014ka.

 

  • In laga daayo fara gelinta xullidda xubnaha baarlamaanka ee beelaha dhexdooda si uu u soo baxo baarlamaan xor iyo xalaal ah, ummaddana meteli kara, madaxdii Puntland ku haboonaydna soo saari kara.

 

  • In cid kasta oo horseedda burburka Puntland, kana maagta wada xaajoodka labada dhinac, ummadda Puntland ay u aqoonsato dembiile qaran oo mudan in caalamka looga dacwoodo.

Baaq;

Urur Siyaasadeedka Dadka Puntland ee (UDAD) wuxuu ugu baaqayaa dhammaan umadda reer Puntland; Odayaasha, Culimadda, Haweenka, Dhallinyarada, siyaasiyiinta, Ardayda iyo ciidamada Puntland; in burburka Puntland uu yahay baaba’eenna, loona baahan yahay in aynu wadajir af iyo addinba uga hor tagno cid kasta oo carqalad ku ah doorasha xalaal ah oo dhacda maalintii horay loogu asteeyey ee 8 Jannaayo 2014.

 

ILLAAHOW DIB HANOO CELIN

Guddiga fullinta ee Urur Siyaasadeedka Dadka Puntland (UDAD)

Garoowe-Puntland

Somalia

Comments are closed