Malafsiga Maareeyaha TV-ga Qaranka +Handtida uu ku mamay iyo Mintidnimada Xaq iyo cadaalad raadiska Shaqaalaha ee Miiska u Saaran Madaxweynaha Miidaankee buu Marin
Ilaa hada ma jirto xal rasmiya ama cad oo laga gaadhay arintaasi iyada oo ay si is daba jooga u soo dhacayeen cabasha shaqaalaha ee ku aadan in ay u xusul duubayaan sidii ay u heli lahaayeen xaqoodii oo mudo ka maqnaa isla-markaana sidii cadeeda u soo ifay intii uu wasaarada joogay Wasiir cukuse oo ka jawaabaya Cadaalada uu Madaxweynaha Somaliland Jecelyahay in ay ka dhex muuqato Haykalka dawladnimo iyo xukuumada uu hogaamiyo.
Hadaba Baaxaa dega khilaafkaas oo hadeer ga’aan ka gaadhistiisu miiska u saaran tahay ma raaci doonaa dhinaca ay cadaaladu u badan tahay, mise waxa uu ku dejin doonaa qoomka aan waxba xeerinayn ee hurdo iyo nasasho diiday, taageeradana u haya Maareeyaha ku Mamay hantida qaranka oo ay markhaati ka tahay sida uu isugu dhejinayo meesha ilayn caqli baynu leenahay ee nina meel aanu wax ku qabin kuma ooyeene.Hadaba hadal iska badan way muuqataa in ay jidka xaqa ah ku taagan yihiin boqolaalka shaqaalaha ah ee Cabashada hor dhigay madaxda xukuumada.
hadaba Waxaa si wayn loo dhawrayaa go’aanka uu ka gaadhi doono
madaxweyne Siilaanyo arintan,aniguna waxa aan talo ahaan ku soo jeedinayaa in Maareeyaha shaqo kale la siiyo ilayn meesha weji uma yaalo uu shaqaalaha ku qaabilo,. ama in laga takhaluso oo hadii la reereeyo kuwo badan oo ka waayo-aragsan kana aqoon badan baa jiree loo magacaabo. sida Maxamed Xuseen, Muuse Warsame iyo Ninkii ahaa Agaasimihii TV_ga Ee USA Samiir. Kuwaas oo la hadal hayo sida ay sheegeen Ilo madaxtooyada u dhuun daloola mid kastaana wuu u qalmaa hanana karaaa.
Illaahow Xaqa Na Waafaji.
Wa Bilaahi Tawfiif
Gobad Ahmed Hirad
Kampala Ugandha