|

Dhaqdhaqaaqyadii ugu Dambeeyey Ragga Orodka ugu jira Jagada Saacidka Ka Baxay iyo Magacyada Shakhsiyaad uu madaxweynuhu il Gaar ah ku Hayo

Muqdisho:03-Dec-2013(SDN)-Soomaaliya Sideedaba ma weydo Tartan iyo Gorgortan siyaasadeed, maadaama ay tahay qaran Gacmo shisheeye horumarkiisa ragaadiyeen oo maamulkiisa gacmaha kula jiraan.

xasan shiikhMaadaama Haatan uun laga soo fara xashay Xilka qaadistii Ra’iisal wasaare Saacid, waxa Haddana Madaxtooyadda ka Bilaabmay Gorgortan iyo Yooyootan kale oo loogu jiro Sidii loo Heli lahaa Ra’iisal wasaaraha cusub ee dalku yeelan doono.

Madaxweynaha DF Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ayaa haysta in mudo 30, waxana haatan  jira Warar la isla dhex maraya oo sheegaya cidda uu madaxweynuhu u dooran doono Ra’iisal wasaaraha cusub.

Ka Hor xil ka qaadistii Ra’iisal wasaaraha waxa uu madaxweynuhu Casho ugu sameeyey aqalkiisa siyaasiyiin ka soo jeeda Beesha Daarood oo had iyo Goor Ra’iisal wasaaraha yeelata, waxana uu halkaas ugu soo bandhigo shakhsiga uu doonayo inuu masnabkaas u dhiibo.

Sarkaal katirsan Kooxda Damu-jadiid, magaciisana lagu sheegay Dood-she ayaa la rumaysan yahay inuu noqon doono Ra’isul Wasaaraha xiga Dr Saacid.

 

Waxaa kale oo jira Warar sheegaya in Nin aan magaciisa la shaacin oo Ingiriiska ka yimid kana soo jeeda beelaha Daarood uu xilkaas qaban doono.

Labadaa nin oo kaliya kuma koobna ragga uu madaxweynuhu  u qorsheeyey inay qabato jagadaas, waxana jira rag kale oo haatan orod ugu jira sidii ay u noqon lahaayeen ra’iisal wasaaraha cusub ee dalka.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed