Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo furay Tababar ku Saabsan fahmida axkaamta iyo barashada khudbadaha {DHAGAYSO}
Hargaysa 02.Nov 2013 (SDN)- Wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta J S L Sheikh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa maanta tababar u furay afartan xubnood oo ka mid ah imaamyada iyo khudbad soo jeediyeyaasha masaajida kaas oo socon doona mudo laba maalmood ah.
Tababrkaas oo lagu qabtay xarunta wasaarada diinta iyo aqaafta ee magaalada hargaysa ayaa lagu baran doonaa mudada uu socdo fahmida axkaamta iyo barashada khudbadaha loo gudbiyo , wasiirka wasaarada diinta iyo awqaafta Somaliland Sheikh Khaliil cabdilaahi Kxmed oo halkaasi ka hadlay ayaa ugu horeyn ku amaanay culimada ka qeyb gashay tababrkaasi hawsha balaadhan ee ay u hayaan umada.
Halkan Guji oo Mobilkaaga ka dhagayso Wasiirka diinta
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Khaliil02d.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com