Qaar ka Mid ah Xeer beegtida doorashooyinka Punt land oo loo furay Kulan hawleed
Garowe 02.Dec 2013 (SDN)- Sagaal xeer ilaaliye iyo 38 ka tirsan wakiilada xeer ilaaliyaasha degmooyinka Puntland ayaa maanta magaalada Garowe waxa uga furmey kulan ku saabsan sidii loo dhowri lahaa xuquuqda Aadanaha , iyaga oo gacan ka helaya xafiiska howl-galka Siyaasadda Somalia ee UNSOM.
Wasiirka Wasaarada Cadaalada Puntland Cabdi Khaliif (Ajaayo) iyo Xubno ka socda Xeer ilaalinta Guud ee Dowlada Puntland , Madaxa Xafiiska UNSOM ee Puntland iyo Xeer ilaaliyaasha tababarka loo furey ayaa kasoo qeyb galay furitaankii kulanka.
Maxamud Xasan Aw-cismaan xeer ilaaliyaha guud ee Puntland ayaa ka warbixiyey ujeedada tababarka , isagoona sheegey in barnaamijkan lagu darsi doono qaabka ugu wanaagsan ee kiisaska qaadista dacwadaha looga dhex ilaalin karo Xuquuqda Aadanaha.
Madaxa xafiiska UNSOM ee Puntland Cumar Saliim Cabuud oo ka mid ahaa xubnihii ka hadlay tababarka maanta u furmey xeer ilaaliyaasha iyo wakiiladooda degmooyinka ayaa ku tilmaamay kalmad uu goobta ka jeediyey in xuquuqda Aadanuhu ay tahay arrin caalamiya islamarkaana QM mar walba ay dadka ku dhiiri galiso sidii loo dhowri lahaa oo aysan u dhici lahayn in lagu xad gudbo.
Tan iyo bur burkii Dowladii dhexe ee Soomaaliya meelo badan oo ka mid ah dalka waxaa ka dhacayey tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Kufsi, Dil, Dhac iyo Barakicin.
Garowe SDN.
Qurbejoog.com