|

Khudbadii Ugu Dheerayd oo Goodi,Garnaqsi iyo Baane ah oo Ra’isal Wasaare Saacid Maanta Ku sii Wadacay Xilkiisii {DHAGAYSO}

Muqdisho 2 Dec 2013 (SDN) Ra’isal Wasaaraha dawlada Federaalka ee Somalia Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa Khudbadii Ugu dheerayd kaga hadlay Maanta Khilaafka Soo kala dhex galay isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud Soo kala dhex galay iyo aragtidiisa Mooshinka Maamuus ka Xayuubinta ah ee Baarlamanku ku guda Jiro .

Ra’isal Wasaare Saacid ayaa Xalka Amuurtan u Sibir Saaray sidii dariiqa Sharci ee dalka u degsan loogu kala bixi lahaa,Dhankayga, waxaan maanta qoray taariikh kadib markaan noqday Raysal Wasaarihii ugu horreeyay ee isagoo jooga ku soo simay muranka ka dhasha iscasil/iscasili maayo Golaha Shacabka.

Go’aankan u ma sahlanayn mana hurid la’ayn. Waxaanse si kalsooni leh u qaatay inaan idin aamino oo dib idiinku soo cesho kalsoonidaad igu siiseen 219/225 cod si aan taariikhda iyo dawladnimada Soomaaliya bog ifaya ugu yeesho.

Guji halkan oo Mobilkaaga ka Dhagayso Warbixinta Dheer ee Ra’isal Wasaare Saacid

[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Saacid2de.mp3″]

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed