|

Maamuus ka Xayuubintii Ra’isal Wasaare Saacid oo Maanta iyo Beri la filayo iyo Dood Xasaasi ah oo Weli socota

Muqdisho 02.Dec. 2013(SDN)- Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah billaabay doodda mooshinka ka dhanka ah raysul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon.

Baarlamanka Somalia247 xildhibaan ayaa ka qeyb-galaya doodda, waxaana is diiwaan-geliyay in ka badan 80 xildhibaan oo doonaya inay ka hadlaan kulanka, kuwaas oo midkiiba loo qoondeeyay min saddex daqiiqo.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ka mid ah xildhibaannada taageersan mooshinka ka dhanka ah raysul wasaaraha ayaa ka hor hadlay baarlamaanka, wuxuuna sheegay in xukuumadda raysul wasaare Shirdoon ay ku guul-darreysatay inay qabato howlihii looga fadhiyay sida adkaynta ammaanka.

Baarlamaanka ayaa qado aaday, doodduna waa mid sii socon doonta galabta ama ilaa berri, codka kalsoonida waxaa laga yaabaa in raysul wasaaraha loo qaado maalinta berri oo Isniin ah, haddii uu maanta suurtagali waayo.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed