Baarlamaanka Somalia Oo Maanta Soo Gebagebayn Doona Dooddooda iyo Shacabka oo Si weyn u sugaya Natiijada
Muqdisho:02-Dec-2013(SDN)-Waxa Maanta Dadweynaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba dhegahooda iyo indhahoodu ku fooraraan Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia oo dood ka yeelanaya Xil ka qaadista ra’isal wasaare Saacid.
Xildhibaanada ayaa la doonayaa inay maanta soo gabogabeeyaan dooda ku aadan mooshinka ka yaala ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya, iyadoo maanta ay tahay maalintii seddexaad ee doodaasi.
Xildhibaano dhowr ah ayaa maalintii shalay is diiwana geliyay kuwaasi oo doonaya inay ka doodaan arinta mooshinka kuwaasi oo gaadhaya 80 xildhibaan,iyadoo ku dhawaad 50 ay hadleen.
Xildhibaan walba ayaa heysta fursada ah inuu fikirkiisa kusoo idleeyo muddo 3 daqiiqo ah, waxana laga rabaa inuu fikir macquul ah meesha ka sheego.
Dooda ayaa waxaa xiiso gaar ah u yeelaya xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo ku kala qeybsamay taageerada ay u hayaan ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya.
Mid kamid ah xildhibaanadii ka hadlay shalay goobta baarlamaanka ayaa wuxuu sheegay in mooshinka uu dabada ka riixayo madaxweynaha dalka Soomaaliya oo doonaya inuu ceydhiyo Saacid.
Maanta waxa sidoo kale Baarlamaanka Nariijada ka soo baxda indhaha ku haya caalamka kale ee arrimaha Somalia sida dhaw ula socda, waxana haatan wax waliba gacanta ugu jiraan xildhibaanadan oo sida ka muuqata dhinac u badan haddii aanay wax is beddelin.
S.D.N