Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo Oo Wada Hadal kula Jirta Hoggaamiyaha Kooxda Awdal State iyo Kooxdaas oo ku dhawaaqday inay caydhiyeen
Hargeysa:02-Dec-2013(SDN)-Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa la sheegayaa inay wada hadal meel fiican maraya la leedahay Madaxa kooxda fallaagada ah ee isku magacowday Awdal State rashiid Aw Nuur.
Rashiid Aw Nuur Oo Muddo dheer dibad wareeg ahaa, islamarkaana wax taageero ah ka waayey Dawladda federalka ee Somalia, waxan uu dhawr jeer tegay magaalada Muqdisho, isagoo ka waayey wax ixtiraam iyo soo dhaweyn midna ah.
Xukuumadda ayaa markii ay ka warheshay mashaqada siyaasadeed iyo Go’doominta haysata Rashiid Aw Nuur u dirtay Diblomaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Awdal, waxana wararka hoose ee Soo Gaadhaya Qurbejoog.com ay sheegayaan in Rashiid warkan uu xukuumadda Siilaanyo ka helay aad u soo dhaweeyey, lagana baaraandegayo sidii la isu qaabili lahaa.
Kooxda dibadda kaga dhawaaqday maamulkan aan salka lahayn ee Awdal State ayaa markii ay arrinan ogaadeen sheegay inay ka qaadeen madaxnimadii uu hore ugu magacawnaa Rashiid aw Nuur, waxana ay sheegeen inay Nin Cusub u dhiibteen hoggaankooda.
Rashiid aw Nuur oo haatan ku sugan Magaalada Dubai, ayaa ka rajo go’ay ololihii uu muddada dheer ugu jiray inuu maamul Somalia Hortaga noqdo, waxana uu haatan u muuqda mid cidla wakhti badani kaga lumay oo dhinac walba seegay, bale haatan wax badan yaqiinsaday.
S.D.N