Somalia Oo Dhiggeeda Somaliland kaga Hor Martay Magaca Halyeygii Dhawaan Geeriyooday ee Qaybe
Muqdisho:02-Dec-2013(SDN)-Xukuumadda Federalka Somalia ayaa kaga Hor martay sharfidda Halyeygii dhawaan Hargeysa ku Geeriyooday Hargeysa Axmed Maxamed Aadan Qaybe.
Marxuum Qaybe oo ahaa Halyey Qiime weyn ku leh Taariikhda Somaliland, islamarkaana muddo dheer soo Ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, ayaa ay Xukuumadda Xasan sheikh si Gaar ah u sharaftay kuna magacowday dhismaha ay wasaaradda Arrimaha Dibaddu ku jirto.
Tallaabadan ayaa ah mid ay guud ahaanba dayacday Xukuumadda Somaliland oo ka gaabisay in ay Halyeygan qaranka maamuuska ku lahaa ay magaciisa ku muujiso dhismayaasha xukuumaddu haatan ku jirto.
Axmed Maxamed Aadan Qaybe oo ka sokow Guddoomiyenimadiisa Golaha Wakiillada Somaliland ahaa diblomaasi muddo dheer soo fadhiyey dalalka Dibadda, ayey xukuumadda Xasan sheikh ku Guulaysatay inay Hanato quluubta Taageerayaashiisii, maadaama isaga oo aan Toddobaad sii Mootanayn ay magaciisa ka dul taagtay Daarta wasaaradda Arrimaha Dibadda.
Somaliland ayaa sidoo kale looga Baahan yahay inay Magaciisa sii Noolaanshihiisa ilaaliso oo ay ku magacawdo Daaraha ugu caansan kuwa Dawladdu gasho,gaar ahaan midda uu haatan Baarlamaanku ku jiro, maadaama uu marxuumbku halkaas muddo dheer soo fadhiyi jirey.
S.D.N