Tababarihii Naadiga Fulham oo Hilfaha Loo Qaadey Maxaase Lagu Suusey? (BY Jaahuur).
London-England-02-Dec-2013-(SDN) Asxaabtay qubanaheena ciyaaraha waxaynu ku eegeynaa tababarihii naadiga Fulham oo daaqadda laga tuurey muxuuse qoonsadey?
Aalaaba kooxaha ciyaarha kala gaddisan marka aay sannado ku salaaxin wax koobab ah,maamulka naadiyaashu waxay qoonsadaan in tababaraha hilfaha loo qaado laguna bedelo ku-xigeenkiisa ama mid cusub.
Haddaba mulkiilaha naadiga Fulham Shahin Khan ayaa weydiistey in tababare MartJol katagoshaqada,bacdamaa naadigu 3-dex season kaalin fiican Martina uu ka aqbaley.
Sababta ugu weyn ee keentey in tababare Martin shaqada laga xayuubiyo,markii Fulham looga badiyey 3-0 Sabtidii kaalinta 18-na kaga jirta horyaalka Ingiriiska Premier League.
Waxaan halkan u mahanaqayaa taageerayaasha reer Fulham iyo maamulka siiba Khan sidii sharafta lahayd ee aanu ku soo wada shaqeyney,sidaana waxaa ka dhawaajiyey Martin.
Tababaraha bedeley ayaa ahaa ku-xigeenkiisii Rene Meulensteen oo horey ula soo shaqeeyey tababarihii hore ee Man United Sir Alex Ferguson ilaa 2007-kii.
Waxaan ku dadaalayaa in aan kooxda soo gaadhsiiyo kaalin fiican,Mr khana waan ugu maahadnaqayaa xilkan culus ee iimagacaabey ereyadaasina waxay ka soo yeedhey Rene.
Haddaba Fulham oo kaalinta ugu dambeysa afraad kaga jirta bal aynu eegno tababare Rene wuxuu ku soo kordhiyo.
W/ qorey Jaahuur
SDN