Wasiirka C.laahi Cukuse oo Shaqada ka Joojiyay Maareeyaha Telefishanka Qaranka iyo Sababaha Kelifay
Hargaysa 01.Dec 2013 (SDN)- Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigalinta ee Somaliland Md. Cabdilaahi Daahir Cukuse ayaa Shaqadii Saaka ka joojiyey Mareeyaha Telefeshinka Qaranka Somaliland Md. Khadar Cali Gaas, waxaanu Wasiirku Qoraalka Shaqo ka joojinta ku Amray Ciidanka Ilaalada Xarunta Wasarada Warfaafnita in aanu soo gali karin maareyuhu.
Arrintan ayaa ka Danbeysay ka dib markii uu khilaaf xoogani uu ka dhex dilaacay Wasiirka iyo Mareeyaha kuwaasi oo isku qabtay Guddi loo saaray in ay dib u eegis ku sameeyan lacagta mushahar ahaan ay u qaatan Shaqalaha Telefeshinka Qaranka oo la sheegay in lacagtoodu aad u kala badan tahay, wasiirka ayaa la sheegay in sababta guddidaasi khilaafka ka dhashay u magacaabay ay ahayd ka dib markii shaqalaha qaar ka mid ahi sheegeen in mushaharka ay qaatan uu yar yahay, waxanu wasiirku sheegey in aanay caqli gal ahay in shaqaalah qofna qaato 1,000 Dollar Midina uu qaato 150Dollar.
Sidoo kale Maareeyaha Telefishanka Qaranka ee Shaqada Laga Joojiyay ayaa Shalay Wasiirka Warfaafinta Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse ka dalbaday in aanu la Shiri Karin Shaqaalaha Telefishanka taas oo ka hor imanaysa nidaamka Shaqo ee Wasaarada oo Wasiirku ka Madax yahay
Dhanka kale Wararku waxay intaasi ku darayaan isla saaka Mareeyaha oo doodnayey in uu xafiiskiisa taago ay ciidanka boolisku u diideen in uu kadinka wasaarad ka galo iyaga oo u sheegay in ay qabaan Amar Wasiir.
Maareeyaha Telefishanka Qaranka oo hore loogu sadqeeyay Wasiirkii hore ee Wasaarada Warfaafinta Mudane Boobe Yuusuf Ducaale.
Mareeyaha Telefeshinka ayaa isla saaka Lagu arkayey isaga oo ku sugan Gobolka oo ah meesha ay wasaraada ugu badan ee dalku yaalan, waxaanu wakhtigaasi ku sugnaa wasarada Waxbarahada.
Wasiirka Warfaafinta ayaa Sheegay inay ka Go’an tahay sidii loo simi lahaa Xuquuqda Shaqo ee Shaqaalaha ka hawl gala Wasaarada Warfaafinta oo kor u dhaafay in ka badan Lix boqol oo qof isagoo cadeeyay Wasiirku in aanay Jiri doonin wax Shaqaale ah oo uu Shaqada ka saarayo hasa yeeshee loo samayn doono sidii loo jihayn lahaa.
Dhawr Todobaad ka hor ayaa Telefishanka Qaranka laga Baahiyay Barnaamij si Toos ah looga soo Tebinayay Studio Magaalada London kaas oo ay ka qayb qaadanayeen Xubno ka Tirsan Gudida Heerka Qaran ee dhismaha Wadada Ceerigaabo iyo Burco waxaase mar kaliya layaab ku noqotay daawadayaasha in Jaaliyada Magaalada London ay Ku baaneen inay soo iibiyeen dhamaanba qalabka uu ku shaqeeyo Telefishanka Qaranku gaar ahaan xaruntiisa London iyadoo Xukuumaduna Kharash aad u badan ku bixisa Qalabka iyo Studio London.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com