Maalinta Xanuunka HIV-aids-ka Oo Si weyn Hargeysa Looga Xusi Doono
Hargeysa:1-Dec-2013(SDN)-Waxa la filayaa in Maanta Hargeysa Loogu Qabto mid ka mid ah Xafladihii ugu waaweynaa ee abid loo qabto munaasibadda Maalinta Xanuunka HIV Aids-ka.
Munaasibaddan ayaa la filayaa in lagu qabto Hutel Mansor ee Magaalada Hargeysa, iyadoo lagu wado inay ka soo qaybgalaan Madax sare oo ka socoto Hay’adaha kala duwan ee xukuumadda, kuwaas oo dadka ku dhiirrigelin doona inaanay Takoorin cidda uu asiibo Cudurkani.
Komishanka La dagaalanka Xanuunka HIV-aids-ka, oo munaasibaddan ayaamahanba ku hawllanayd, ayaa sidoo kale lagu wadaa inay Goobta Keento Shakhsiyaad la nool xanuunkan oo uu hore u asiibay kuwaas oo qaarkooda halkaas ka Hadli doonaan.
Munaasibaddan ayaa ayaa laga akhriyi doonaan Khudbado kala duwan oo shacabka lagaga tirtirayo fikirka qaldan ee lagu takooro dadka xanuunkani asiibo, waxana sidoo kale laga codsan doonaa inay waji naxariis leh ku qaabilaan cid kasta oo xanuunkani naftooda asiibo.
Cudurka HIV-aids-ka ayaa sanadihii ugu dambeeyey ku soo kordhayey Guud ahaanba Somaliland, waxana tirada dadka xanuunkan la tiicayaa noqdeen qaar tiro batay, taas oo caddayn u ah in xanuunku ku socdo Xawaare dheeraynaya.
Sidoo kale waxa la filayaa in goobtaas lagaga dhawaaqo tirada dadka xanuunkan la jiifa Somaliland Gudaheeda, taas oo qiyaas u noqon doonta heerka uu taagan yahay xanuunkani oo sanadkii hore aad looga dayrinayey.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com