Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta cod aqlebiyad ah u qaadaya Raiisul wasaare Saacid
Muqdisho Nov 30,2013(SDN)-Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta gudo gelaya mooshin ka dhan ah raiisul wasaaraha dalka Soomalaiya Md Cabdiqaadir Faarax Shirdoon Saacid.
Kal-fadhiga maanta ayaa ah mid si weyn ay dhegta ugu taagayaan Bulshada Soomaaliyeed ee filayay in dawladani ka duwanaan doonto kuwii KMG ahaa ee ka horeeyay.
Xildhibaanada Baarlamaanka qaar ka mid ah oo tiradoodu tahay 168 mudane ayaa Guddoonka Baarlamaanka u gudbiyay mooshin ka dhan ah xukuumada dalka oo ay fadhiidnimo ku eedeeyeen.
Xukuumad aayaa dhamaadkii todobaadkan kulan ay yeesheen waxa ay codsi dib u dhigid ah uga dalbadeen Baarlamaanka dalka si ay wax qabadkooda ugu soo gudbiyaan,Baarlamaanku weli kama soo jawaabin codsigaasi.
Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa hore maanta ugu qoondeeyay in laga doodo kalsoonida xukuumada ee baarlamaanka.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com