Maxaad Kala Socotaa Xaalada Degmada Afmadow iyo Dagaal Culus oo ka Dhacay
Afmadow 29.Nov 2013 (SDN) Wararka aan ka helayno saaka degmada Afmadow ee Gobalka Jubada Hoose ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeyay falaagada Alshabaab iyo Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni oo kaa shanaya Kuwa kenya uu halkaasi ka dhacay Xalay.
Falaaagada Alshabaab ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday Xarun Ciidamada Maamulka juba ay ku sugnaayeen, hayeeshee dagaalka ayaa xoogeystay kadib markii Ciidamada Kenya kusoo biireen.
Taliyaha Saldhiga Afmadow Aar Sheekh Cali ayaa sheegay in Kooxdii weerarka soo qaaday ee Alshabaab ku jabiyeen dagaalkaasi, islamarkaana ay ku dileen dagaalka maleeshiyo ka tirsan falaagada Alshabaab.
Waxa uu sheegay Taliyaha in xaalada degmada afmadow ay caadi kusoo laabatay, iyadoona saakay ay ka socdaan howlgalo amaan sugid ah, waxana dib u furmay howlahii ganacsiga degmada.
Xaalada Degmada Afmadow ayaa caadi kusoo laabatay, balse waxaa si xowli ah ku socda Howlgalo ay ciidamada amaanka wadaan, kaasi oo lagu baacsanayo xubno ka tirsan Alshabaab oo la aaminsan yahay in ay Magaalada dhinac kaga jiraan weli.
Afmadow SDN.
Qurbejoog.com