|

Maxkamad ku Taala Nairobi Oo Diidday inay Afar Soomaali ah Oo U xidhan Dhacdadii Westgate Dammiin ku sii Dayso

Nairobi:29-Nov-2013(SDN)-Afar Dhallinyaro oo Soomaali ah ayey in Dammaanada lagu siiyo Diidday Maxkamad ku taalla Waddanka Kenya.

xidhanDhallinyaradan ayaa ku eedaysan Dhacdadii dhawaan ka Dhacday Suuqa Westgate ee Magaalada Nairobi, waxana ay  muddu dheer ku jireen Jeel ku yaalla magaaladaas, iyadoo aan wali wax caddayn ah loo haynin.

Dacwad Oogayaal ka tirsan Maxkamada ayaa sheegay sii deynta ragani dhibaatooyin dhanka amaanka ah laga dhaxli karo,waxayna sheegeen in loo baahan yahay in arintaasi laga hortago.

Maxamed Axmed Liibaan, Liibaan Cabdilaahi,Aadan Ibraahin iyo Xuseen Xasan ayaa dhamaantooda waxaa loo haystaa inay xidhiidh la lahaayeen Kooxihii weerarka ku qaaday Xarunta Westgate 21-bishii September,weerarkaasi oo mas’uuliyadiisa ay sheegteen ururka Al-shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.

Ragan ayaa ku dooday inay yihiin Dad Qoyskooda ku nool gudaha Kenya,islamarkaana la ogaan karo lana heli karo waqti walba oo loo baahdo,laakiin arintaasi Maxkamada ayaa ku gacan seedhay.

Ma aha kaliya afartan ruux ee haatan arrintoodu taagan tahay  somalida arrintan u xidhani, balse waxa jira Boqolaal kale oo jeelasha Kenya ugu xidhan arrintan illaa iyo  haddana aan wax caddayn ah lagu haynin ama aan maxkamada la keenin.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed