|

Soomaalida Ku Nool Maraykan Oo Lacago Aad u Tiro Badan U soo Ururiyey Dadka Ku Tebaaloobay Roobabkii Dhawaan Xeebaha Soomaia ka Da’ay

Washington:29-Nov-2013(SDN)-Dhibaatada ay Sababteen Duufaanadii dhawaan ku dhuftay Xeebaha Soomaalidu Degto ayaa Qaylo-dhaantoodu Gaadhay Carriga Maraykanka.

dabayloInta Badan Soomaalida Deggan Waddanka Maraykanka ayaa dedaal u gashay  sidii dhammaan Muslimiinta Ku Nool Carriga Maraykanku uga qayb qaadan lahaan cawinta dadka ku tabaaloobay masiibadan, iyagoo  codkooda gaadhsiiyey xarumaha Dadka Muslimka ahi Caawimaaddaha ku ururiyaan.

Golaha Imaamyada Woqooyiga Maraykanka oo kaashanaya Hay’adda Humaniterian African Relief Organization (HARO) ayaa ku deeqay lacag gaadheysa 80 kun oo dollar.

 

Lacagtaas ayaa 60 kun oo ka mid ah loo dhiibay Hay’adda HARO, halka 20ka kalena loo dhiibay Hay’addo kale.

 

Dhinaceeda Hay’adda Amoud Foundation ee sanado baan kusoo jirtay hawlaha gargaarka ayaa iyaduna qeyb ka ah wax ka qabashada dhibaatooyinka ka dhacay Soomaaliya.

Mucaawimooyinka Hay’adaha Maraykanka Deggeni ugu deeqeen Dadka Tabaalaysan ee Soomaalida ah ayaa la filayaa inay dhawaan gaadhaan soomaaliya, waxana la dhawrayaa inay dad badani si weyn uga faa’iidaysan doonaan Mucaawimooyinkan Haddii Hannaan Daahfuran loo Maamulo.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed