Taleex Oo wali Xaalad Adagi Ka Taagan tahay iyo Labadii Dhinac Oo Isu Hub Urursanaya
Taleex:29-Nov-2013(SDN)-Dagaalka u dhexeeya Maamul-goboleedka Puntland iyo Jabhadda Khaatumo la Baxday, ayaa wali Halkiisii ka sii socda, waxana, waxana labada dhinacba wadaan hub urursi xooggan.
Dagaalkii shaley oo ahaa mid aad u xoog badan, ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen ugu yaraan 10-ruux, halka ay dhaawacuna ahaayeen tiro aad u badan oo aan si rasmi ah loo sheegin.
Dagaalka shaley ayaa wuxuu dhacay gallinkii dambe, waxaana labada dhinac ay adeegsadeen hub, iyadoo la sheegayo dagaalka in uu sababay barakac xoog leh, isl amarkaana ay ku burburtay hanti badan, iyadoo walina aanay labada dhinac wax tanaasulaad ah samaynin.
Labada dhinac ee ku dagaamaya degmada Taleex ayaa isku eedeeyay dagaalka in ay mas’uul ka yihiin, iyadoo haatan wararka na soo gaadhayaa sheegayaan in Maleeshiyada Khaatumo laga Xoog batay oo Degaankaas laga Durkiyey.
Degmada ayaa la sheegay in maalamahan waxaa ka socday dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo is diiddan, oo lagu kala taageerayay labada maamul, waxaana halkaas joogay madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen Cabdisamad Cali Shire,sidoo kale waxaa tagay madaxweynaha maamulka Khaatumo Maxamed Yusuf Jaamac Indhasheel.
Kooxda Khaatumo ayaa iyadu ku dhawaaqday inay diidan tahay soo Gelintaanka Maamulka Puntland ee Deegaankaas, taas oo keentay in gacmaha la iskula tago oo aan waxba la isula hadhin.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com