Dhimasho iyo Dhaawac uu Sababay Qarax Xooggan oo Xalay Ka Dhacay Magaalada Jawhar
Jawhar:29-Nov-2013(SDN)-Qarax Xooggan oo Habeenkii Xalay Fiidkii hore ka Dhacay Magaalada Jawhar ayaa Sababay dhimashada Hal Ruux iyo Dhaawaca Tiro kale oo dad shacab ah.
Sida ay sheegayaan wararka Soo Gaadhaya shabakada warrarka ee Qurbejoog.co. qofka dhintay ayaa lagu sheegay inay ahayd Haweenay qaad ku iibinaysay suuqa, halka kuwa dhaawacmayna ay ahaayeen dad kale oo halkaas ka dhawaa.
Qaraxa ayaa ka dhacay Badhtamaha Magalada gaar ahaan Xaafada Hantiwadaag,waxaana lala badhtilmaameedsaday meel aan sidaa uga fogeyn Suuqa Qaadka lagu iibiyo oo ku yaalla agagaarka Xarunta A.D.C-da.
Dadka dhaawaca soo gaadhay ayaa loola cararay Cisbitaalka Jowhar oo lagula tacaalayo dhaawacooda.
Gawaadhida Gurmadka deg deg ah ayaa si weyn markii dambe u gaaf wareegayey magaalada Jawhar, waxana ay magaalada Xalay ku dhamaysatay kala xidhnaan aan cidina cid u gudbaynin, walina ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay qaraxani, lamana garanayo Hannaankii qaraxaas loo fuliyey.
Qaraxyada Noocan oo kale ah ayaa ah wax caadi ka ah Guud ahaanaba Magaalooyinka ku yaalla Koonfurta Somaliya, waxase in muddo ahayd ay magaaladani haysatay waxoogaa Nabad ah.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com