|

Khilaaf Ka Dhex Qarxay Maamulka Gobolka Awdal ee Komishanka Qaranka Oo Meel xun maraya

Borama:29-Nov-2013(SDN)- Khilaaf Ba’an ayaa soo Kala Dhex galay Maamulka Gobol Awdal iyo Komishanka Qaranka U Qaabilsan Gobolkaas.

awadoKhilaafkan oo ka Dhashay Xafiiskii Komishanku qaranku ku lahaa Gobolkaas oo sida uu Guddoomiyaha Komishanku sheegtay lagu Wareejiyey Hay’ad kale iyadoo  oo aan wax talo ah la weydiinin, maadaama uu ahaa masuulkii Hay’addaas u qaabilsanaa Gobolkaas.

Gudoomiyaha komishanka qaranka Gobolka Awdal Mudane Rashiid Xirsi Cali ayaa Maalintii shalay eedayn culus kula dusha ka saaray maamulka Gobolka Awdal oo uu sheegay in ay xafiiskii ay gobolka Awdal ku lahaayeen ku wareejiyeen ururka Haweenka qaranka Ee Now iyada oo aan laga soo wargalin.
Gudoomiyaha oo  isagoo ku sugan  Gobolka Awdal u warramayey qaar ka mid ah warbaahinta,  ayaa sheegay in maamulka Gobolku Xafiiskiisii iyo Agabkii dhexyaallayba ku wareejiyey Hay’ad kale oo aanu waxba kala soconin, “Saaka(shalay) uun baan xafiiskii tag is idhi, waxaanan ka arkay wax lala yaabo oo ah xafiiskayagii Gobolka noogu dhax yaalay ee komishanka qaranku lahaa oo dad kale ku shaqaysanayaan ilaa xitaa agabkii oo ay ka mid ahaayeen computero iyo ducomentiyo xasaasiya oo ay xisbiyadu lahaayeen oo iyagana la faragaliyay.” Ayuu Yidhi Guddoomiye Rashiid xirsi.
Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa kale oo uu sheegay in Cidda maamulka Gobolku Xafiiska ku wareejiyey ay ahaayeen Haween, waxana uu yidhi,   “Markii aan galay ee aan arkay ayaa waxa aan su’aalo waydiiyay haween xiligaas ku sugnaa waxa ayna iisheegeen in xafiiskan ay siiyeen maamulka gobolka Awdal ayna sidaas ugu shaqaysanayaan,ka dib waxa aan u tagay Gudoomiyaha ku xigeenka iyo xoghayaha Gobolka Awdal waxa aanan waydiiyay sida ay wax u dhaceen waxaana uu gudoomiye c/nuur sugaal oo ah kusimaha gudoomiyaha uu iigu jawaabay gudoomiyihii waxaa uu maqan yahay ee isaga kala xidhiidh.”
Markale Gudoomiye Xirsi isaga oo hadalkiisii sii wata waxa uu yidhi”Go’aan ayaan isla goobtii ku qaatay waxaanan si dhaqsa ah uga raray agabkii muhiimka ahaa ee yaalay xafiiskayga sidaas ayaanan uga guuray oo aan alaabtii ugu soo raray maqsin ku yaala guriga aan ka degenahay Boorama.”
Dhanka kale waxa aan isku daynay inaan arintan wax ka waydiino gudoomiye ku xigeenka, ahna kusimaha gudoomiyaha mudane C/nuur Sugaal, Balse Nooma ah Suurtogelin, khadka telefoonka ku helnay xoghayaha fulinta Gobolka Awdal Mudane Asad Cabdi Jaamac waxaanan wax ka waydiinay eedahan komishankii qaranka Gobolka Awdal u soo jeediyay.
Xoghayuhu isaga oo ka hadlayana waxa uu yidhi”wax ka jiraa eedaymahaasi ma jirto xafiiskani waxa uu ka mid yahay xafiisyada Maamulka Gobolka Awdal waxa uuna xidhnaa muddo haatan laga joogo laba Sanno cid nagala soo xidhiidhtay oo komishanka ka socdaana ma jirto, horeyna anaga ayaa si tabaruca u siinay waxaanan kala nahay laba hay’adood oo kala madaxbaan.”
Xoghaye Asad oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay “Mudadaas dheer ka dib waxaan ku gaadhnay ka maamul ahaan inaanu ka shaqaysiino inaan dardargalino hay’ayadihii dawlada ee heer gobol. waxaanan siinay isuduwaha hay’ada samafalka oo bilaa xafiis ahaa sidaas ayaanan kaga wareejinay komishankii qaranka maadaama aan anagu awooda ugu danbaysa leenahay oo uu  ka mid yahay xafiiskani kuwo xaruntayada ku dhex yaala marka aan u baahanana aan isticmaali karno oo aanu cidna kala tashan.”
Xoghayaha ayaa ugu danbayn eedaynta ka leexiyay gudoomiyaha Gobolka Awdal oo ay markii hore si toos ah ugu socotay taas oo uu noo sheegay gudoomiyaha Komishanka Qaranka Gobolka Awdal uu yahay ka bixiyay xafiiskii komishanka.
Si kastaba ha ahaatee arintan soo kala dhex gashay Maamulada Gobolka ee Komishanka Iyo Kan Dawlada ayaa noqonaysa isku dhicii ugu horeyay tan iyo intii doorashooyinka lagu qaban jiray Gobolka waxaana la odhan karaa waxa ay ka mid tahay maamul la’aanta ka jirta Gobolka Awdal oo gudoomiyaha Gobolku yahay mid aan inta badan joogin Gobolka.

 

Xukuumadda  Dhexde ayaan iyadu wali soo Faro Gelin Khilaafkan ka dhashay arrimaha Maamulka, waxana Si aad ah looga warwar qabaa Agabka Xaasaasiga ah eek a midka ah Hantida Axsaabta ee Guddoomiyahani Aqalkiisa Geystay, haatanna ku haysto.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed