Telefishanka Qaranka SLNTV oo Laga Joojiyay in laga Sii daayo Warkii Soo Dhawaynta Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Daawo
Hargaysa 28.Nov 2013 (SDN)- Maamulka Telefishanka ay dawladu maamusho ee SLNTV ayaa ka baaqsaday Tebinta Warkii soo imaatinka iyo Soo dhawaynta Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo maalintii shalay dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu soo dhamaystay socdaal uu in mudo ah ugu maqnaa Wadamo ka Tirsan Qaarada Yurub.
Gudoomiye C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro oo ah Hab maamuuska Sadexaad ee ku qeexan distoorka qaranka kana mid ah Hay’adaha Sharciga ah ee dalka ka jira ayaanay jirin sabab keeni karta in warbaahinta dawladu gacanta ku hayso gaar ahaan Telefishanka Qaranka .
Dhacdada baahinta la’aanta warka soo dhawaynta Gudoomiye C.raxmaan Cirro ayaa bulshada u muujisay in Xukuumada kulmiye ay Cagta Saartay dhabihii ay ku dhaliili jirtay Dawladii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin,oo ay ku canbaarayn jireen inay ku tagri fashay hantidii ummada ka dhaxaysay.
Telefishanka Qaranka ayaa taas badalkeeda waxa uu baahiyay warar uu ku sheegayo in Shirka dooda qaran ee Xisbiyada Mucaaridku ku dhawaaqeen oo ay ku sheegeen ereyo hab dhacoodu u dhacayay Shir ku sheega Xaaraanta ah ee u eeg hab beeleedka kuwaas oo laga soo kala diray qaar ka mid ah Gobolada dalka isla markaana sida xogo hoose ay noo Xaqiijiyeen uu Maareeyaha Telefishanku ku amray Weriyeyaashu inay sii diraan kadib markii ay Madaxtooyadu ku qabsatay inaanu sidii la rabay u faafin Wararka lagaga soo hor jeedo Shirka dooda Qaran.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com