|

Gudoomiye Cusub oo loo Magacaabay Baanka Somalia ee ay iska Casishay Marwo Yusur

Muqdisho 28.Nov 2013 (SDN)- Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa u magacowday Bashiir Ciise Cali guddoomiyaha KMG ah ee bangiga dhexe ee Soomaaliya.

baanka dhexe ee somaliaGolaha wasiirrada ayaa maanta ansixiyay magacaabista Bashiir Ciise oo horey u soo noqday ku xigeenka guddoomiyaha iyo guddoomiyaha bangiga dhex ee Soomaaliya.

Hannaanka lagu soo magacaabayo guddoomiye rasmi ah ayaa la sheegay inuu socdo.

Labo guddoomiye ayaa iska casilay xilka guddoomiyaha bangiga dhexe muddadii lagu jiray sanadkan.

Midka koowaad, Cabdisalaan Cumar Hadliye waxaa eedeeyay guddiga baarayaasha musuqmaasuqa ee Qaramada Midoobay, eedeyntaas oo uu beeniyay. Guddoomiyaha labaad, Yusur Abraar ayaa si kadis ah xilka isaga casishay, iyadoo sheegtay in lagu cadaadiyay saxiixitaanka heshiisyo aan sharciga waafaqsanayn.

Bashiir Ciise Cali ayaa guddoomiye ka noqday bangiga dhexe ee Soomaaliya xilligii dowladdii ku-meel-gaarka ahayd.

Wasiirka maaliyadda, Maxamuud Xasan Saleebaan ayaa sheegay in Bashiir uu yahay khabiir dhinaca maaliyadda ah, uuna ku rajo weyn yahay inuu is-beddel iyo dib u habayn ku sameyn doono bangiga dhexe.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed