|

Dhalinyarada Maantu Waa Kuwee? Q1aad.

Tan iyo intii ay somaliland xornimadeeda lasoo noqotay,dhalinyaradeedu waxay soo mareen waayo kala duwan, oo jiilba jiilkuu ka horeeyey uu ka dhibaato badnaa haday noqon lahayd dhanka waxbarashada,caafimaadka iyo hiigsiga mustaqbal ee niyadooda ku jira,hadaba iyadoo taasu jirto ayaa waxaa la odhan karaa dhalinyarada maantu way ka fursad badan yihiin kuwii ka horeeyey,haday noqon lahayd xaga fursadaha iyo wax walba oo u aasaasiya amaba kafeynaya noloshooda,hadana odhan karnaa way ka ayaan daranyihiin kuwii ka horeeyey,suaasha meesha taala wax weeyi siday uga ayaan daranyihiin madaamay iygu ka fursado badan yihhin? su’aasha ayaa u baahan in lays waydiiyo? aan ku horumarno dhinaca dhalinyardii hore habdhaqankooda iyo siday dabeecadahoogu ahaayeen, 1.waxay ahaayeen dhalinyaro isku duuban oo dal kasoo wada jeeda oo is jecel. 2.dhalinyaro ay ka dheertahay waxyaabaha bulshada kala dheereeya sida qabyaalada caadifadaysan 3.dhalinyaro aan laga dareemin inay iska soo horjeestaan sida markay iskugu yimadaan goobaha bulshada kulmisa, goobkastooy tahay 4.dhalinyaro is dhex galkeedu badan yahay xag kastaba iwm

hadaba iyadooy taasu jirto,dhalinyarada maanta joogta sida uu qofwalba oo jecel inay dhalintoodu ku noolaato,maaha kuwo sidii la rabey u dhaqmaya iyagoo aad ku arkayso,sida foosha xun ee ay u haligmayaan, taasooy ugu horayso khasaarahooga amaba la taaban karo. waxyaabaha ugu horeeyaana ay ka ay ugu horeyso qabyaalada lafaha ilaa dhuuxa raacday, ee ay ku dhaqmayaan taasoo kaliftay inay maanta noqdaan dhalinyarada ugu khasaaraha badan,intii dhalin soo martay intay jamuuriyadan xornimadeeda lasoo noqotay,su,aasha is waydiinta mudani waxa maxaa kalifay inay sidan ugu dhacdo?goormayse is badeshay hab dhaqankii ay ku dhaqmi jirtay dhalintii ka horeysay? jawaabteedu hadaan waa basiid uu qof walba oo dalkan ku dhex nooli dareemi karo. waxay ahayd 27 july 2010 markii madaxweynaha iminka talda haya ee ahmed maxamuud siilaanyo uu si sharaf badan ugu wareejiyey talada dalka, madaxweynihii ka horeeyey ee mudane dahir riyaale kaahin,taasuu hadal ay dadka intiisa badani u arkaayeen hadal dardaarana ka yidhi mudane riyaale “maanta madaxweyne ahmed waxaan kugu wareejinayaaaa dal iyo dad is jecel,oo goboladiisa iyo xuduudihiisuba sugan yihiin ee igala wareeg illahayna hawsha hakuu fudeediyo” hadalkaas oo maanta moodo inuu dhaboobay inuu noqday amaba uu dareemayo qof waliba inuu ahaa mid dhaba. xukumadan uu hogaaminayo madaxweyne siilaanyo markii ay sanad iyo badh jirsatay waxa is badelay habdhaqankii dhalinta run ahaantii iyadooy dhalinta ku bilaabmatay waxyaabo fool xumo wata sida amaba ku yaraa kuwii ka horeeyey,taasoo marba marka ka danbaysa sii kordhaysay,ilaa iyo ay soo gaadhay heerka ay maanta marayso ee la dareemi karo,qaar fara badan oo dhalintas ka mid ahina ku dayacanyihiin amaba tahriib miciin bideen,markii ay adkaysan waayeen. LASOCO….

By: MUNIIR IBRAAHIM CUMAR

Comments are closed