Xukuumadda Oo Aan Wali Ka Hadal Xadhig Ganacsade Jaamac Oomaar iyo iyo Khilaafka Xadhigiisa Oo Sababay Hakadka Wafti Bixi lahaa
Hargeysa:28-Nov-2013(SDN)- Xukuumadda Somaliland ayaa wali Aamusnaan ku daawanaysa Xadhi Madaxweynaha Jibouti kula kacay Ganacsade Jaamac Oomaar oo ka mid ah Hormoodka Maalqabeenada Somaliland oo in Muddo ah Halkaas ku xidhan.
Sidoo kale Wafti Ballaadhan oo Badhtimihii Toddobaadkan u ballansanaa inay Safar ku Tagaan Dalka Jibouti ayaa u baaqday khilaaf la Xidhiidha Arrinta Ganacsade Oomaar oo Wasiirro Waftigan ka mid ahi ku darsadeen Ajandaha loola Tegayo Madaxweynaha Jibouti.
Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda Somaliland ayaa si weyn uga Biyo Diiday in Ajandaha lagu daro Arrinta Jaamac Oomaar, waxana ay isku dayeeen inaan Madaxweyne Geelle marnaba lagala hadlin xadhiga Ganacsadaha, iyagoo ku andacoonaya in arrintaasi tahay mid u taalla madaxweynaha Jibouti oo aanay ku Haboonayn in lagala Hadlo.
Murankaas oo in muddo ah Socday ayaa markii Dambe Sababay in Guud ahaanba la Joojiyo Safarkii ay wasiirradda iyo Taliyayaasha ciidanku ku tagi lahaayeen Jibouti, waxana lagu qancay in la iska daayo Tegitaanka Jibouti, maadaama aanay jirin wax rasmi ah oo la isku raacsan yahay.
Ganacsade Oomaar ayaa Xukuumadda Somaliland waxa ay ka faa’iiddaa oo uu khasnadeedda ku soo xareeyaa Malaayiin Doollar, waana Ganacsadaha kaliya ee Cashuurta ku waajibtay sdieeda u bixiya sida ay xukuumadda gaar ahaan waaxaha Maaliyaddu in badan ka markhaati kaceen.
Nasiib Darro xukuumaddu wali wax jixin jix ah uma ay Muujin muwaadinkaas ku jira Jeelka Muddada dheer, waxana kaliya ay Xeerinaysaa Xidhiidh Kooban oo qaar ka mid ah wasiirradu la leeyihiin Madaxweynaha Jibouti ee haatan isagu Bixiyey Amarka lagu Xidhay Ganacsadahan.
S.D.N