Cudurka Macaanka oo soo ritay bukaankii u badnaa ebid iyo dalka dadka ugu badani ay xanuunkan u jiifaan
New York Nov 17,2013(SDN)-Sida lagu xusay warbixin todobaadkan ay soo saaraty hay’ada caalemiga ah ee la socodka cudurka macaanka cudurka ayaa soo ritay tirada dadkii u badnaa ee ebid cudurku soo rito.
Warbixinta ayaa soo bandhigtay tiro ka fejicisay caalamka oo ay ku sheegtay in 382 million oo ruux ay sanadkan la il daran yihiin cudurka macaanka.
Hay’adu waxa ay sheegtay in nooca ama derejada labaad ee cudurka oo ay qabaan dadka buur buuran iyo kuwa aan caafimaadkooda daryeelini ay qabaan uu yahay ka ugu badan.
Tira koobkan ayaa ka dhigan in dadka qaan-gaarka ah ee dunida ku nool ay 8.4 boqolkiiba haatan la nool yihiin cudurka macaanka,taasoo aad uga badan sanadkii hore.
Sanada 2035 kana tirada dadka cudurku soo ridan doono waxa lagu saadaaliyay in uu boqolkiiba 55 koror ku iman doono 00 592 million oo ruux soo ridan doono.
“Halgankii lagula jiray cuduka Macaanka waa lagu guuldareystay”ayaa ay hay’ada la socodka macaanku warbixinteeda ku xustay.
Dudurka Macaanka ayaa sabab in aanu dhiigu maareyn kareyn heerka sonkorta,taas oo keeni kareysa dhaawac ku yimaada indhaha,kelyaha iyo wadnahaba,taas oo sidoo kalena keeni kareysa cimri degdeg.
Wadanka China ayaa lagu sheegay warbixinta in uu yahay dalka tirada ugu badani ay u jiifto cudurka macaanka.
Dalkaas ayaa haatan waxa cudurka macaanka la nool dad tiradoodu maalin waliba ay sii kordheyso iminkase lagu sheegay 98.4 million oo ruux.
Sanada 2035 waxa la saadaalinayaa in dadka xanuunka macaanku la dersi doono dalka China in ay gaari doonaan ilaa 142.7 million ruux.
Shirkada dawooyinka ayaa soo saaray dawooyin kala duwan oo cudurka macaanka lagula tacaalo,bukaanaduse waxa weli dhibato ka heysataa sidii ay cudurkan ula noolaan lahaayeen taas sababtay in baaritaanada dawo cudurka loo helo in ay halkoodii ka sii socdaan.
SDN-New York
contact@somalidiasporanews.com