Kooxda Ikhwaanka Masar oo ku baaqay wadahadalo ay yeeshaan dhinacyada siyaasada dalkaasi
Qahira Nov 17,2013(SDN)-Kooxda ikhwaanka ee Masar ayaa ku baaqan in waan loo furo dhinacyada siyaasada ee dalka Masar maalmo uun ka dib kolkii la qaaday bandoow dalkaa bilo saareyd.
Baaqan ayaa markii u horeysay waxaan lagu larin in xukunka dib loogu soo celiyo madaxweynihii hore ee dalkaasi Masar Maxamed Morsi oo inqlaab xilka looga tuuray.
Baaqa oo uu saxaafada u soo bandhigay Maxamed Bishr ayaa waxa ka mid ahaa in ugarsiga laga joojiyo madaxda ikhwaanka,xabsiyadana laga sii daayo maxaabiista siyasadeed iyo in hawada dib loogu soo celiyo warbaahintii ikhwaanka.
“Waxaanu mudnaan siineynaa degenaanta dalka iyo sidii looga bixi lahaa burburka dhaqaale”ayuu yiri Maxamed Bishr.
In kasta oo baaqa lagu dalban in Morsi hogaanka dalka dib loogu dhiibo hadana waxa ay ikhwaanku xuseen baahida loo qabo in loo hogaansamo Dastuurka dalkaasi.
Ku-xigeenka Raiisul wasaaraha Masar Xassam Ciisa ayaa AP u sheegay in wadahadal walba oo ikhwaanka lala gelaahi uu bilawgiisu noqonayo in ay aqbalaan hanaanka haatan jira.
Hadii taa la waayana bu yiri Raiisul wasaare ku-xigeenku ma jiri doonto wax waan waan ah oo ikhwaanka lala geli doono.
Taageereyaasha Morsi ayaa weli dalka Masar ka wada isu soo baxyo aad uga kooban kuwii hore oo ay ku dalbanayaan in madaxweyne Morsi xilka dib loogu soo celiyo.
SDN-Qahira
contact@somalidiasporanews.com