|

“Warbaahinta Qaranku Waxay ku Socotaa Cashuurta Ummada mana banaana in Ujeedadii loo sameeyay mid ka duwan loo adeegsado” Xildhibaan Ibraahin Rayte {DHAGAYSO}.

Hargaysa 16.Nov 2013 (SDN)- Xildhibaan Ibraahin Jaamac Cali Rayte oo Xubin ka ah Gudiga shirka Talo qaran ee labada Xisbi Mucaarid Shaaciyeen ayaa ku dooday in Warbaahinta Qaranka asbaabaha loo aasaasay mid ka duwan hadii ay la timaado ay taasi shacabka dhibaato ku keenayso isla markaana ay ka mid tahay waxyaabaha ay Shirka qaran u qabanayaan.

Xildhibaan Ibraahin Jaamac Cali Rayte waxa uu sheegay In Xisbiga Kulmiye Xiligii uu Mucaaridka ahaa isaguna uu ku Jiray ay ka qaylin jireen warbaahinta dawlada hasay yeeshee waxa uu Tibaaxay in Xukuumadii hore ay sii dayn jirtay wararka iyo barnaamijyada axsaabta mucaaridka ah.

Halkan Guji oo Mobilkaaga ka dhagayso hadalka Xildhibaan Rayte
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/XildhibaanRayte(16).mp3″]

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed