|

Madaxweynaha Punt Land oo Gaadhay Deegaanada uu Duufaanku ku Dhuftay

Garowe 16.Nov 2013 (SDN)- Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Shiikh Maxamed Farole ayaa maanta  u baxay deegaano ka mida kuwii dhibaatadu ka dhacday todobaadkii hore ka dib roobab dabaylo iyo baraf wata oo da’ay.

22_4Saddex geesoodka Eyl, Dangorayo iyo Bayla inta u dhaxeysa ayaa la sheegay inay ugu danaranyihin hkhasaraaha dhacay oo dowladdu sheegtay in ilaa 300 oo qof ay ku dhinteen halka in ka badan 500 oo qoys ay ku cayroobeen.

Madaxweynaha ayaa ay u kuurgalaya inta uu gaariisan yahay khasaaraha nafeed ee ay duufaantu gaysatay, waxana wehelinaya wasiiro iyo guddiga gurmadka qaabilsan.

Culimadda, haweenka iyo qurbajoogta Puntland ayaa u istaagay hal mar sidii ay ugu gurmad lahaayeen dadka dhibaateysan, waxana shalay Garowe soo gaaray laba diyaaradood oo Ethiopia iyo Jabuti ay soo kala direen kuwaasi oo raashin iyo daawo gurmad ah u waday Puntland.

Ciidanka Badda Puntland ayaa ka qayb qaatay gurmadka loo fidinayay dadka ku cayroobay duufaanta dhacday.

Waxa socda dadaalo lagu dhisayo buundadii jabtay duleedka Sunijiif taasi oo hakad gelisay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha, sidoo kale curyamisay hawlaha gargaarka.

Garowe SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed