|

Dastuurka Soomaaliya muxuu ka oranayaa Khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha dalka

Muqdisho Nov 16,2013(SDN)-Waxa aan weli xal loo helin khilaaf sabab kala boodka madaxada Dawlada Soomaaliya ee wel welka geliyay Shacabka iyo inta xiiseysa arrimaha Soomaaliya.

Hab-dhaqankan oo ragaadiyay nidaamyadii u danbeeyay ee dalka soo maray ayaa hadana waxa lagu hanweynaa in ka dib kolkii laga baxay nidaamkii KMG in xaal isbedelo.

Ma dhicin,suaashuna waxa ay tahay Dastuurka dalka oo ay tahay in madaxda dalka lagu kala saaro kolka caqli shaqeyn waayo muxuu ka oranayaa is-maandhaafkan.

Qodoka 100aad ee dastuurka Soomaaliya waxa uu awood u siinayaa Raiisul Wasaaraha in uu soo xulo isla markaana xilalka ka qaado Gollaha Wasiirada dalka.

Sidoo kale waxa ay tahay in Raiisul Wasaaruhu uu Gollaha ka ansixiyo Baarlamaanka dalka oo cod u qaadaya xukuumada iyo xubnaheedaba.

Qodobka 90aad ee Dastuurka dalku waxa uu Madaxweynaha awood u siinayaa in uu soo magacaabo Raiisul Wasaaraha Dalka.

Dastuurkuse awood madaxweynaha uma siinayo in uu xilka xayuubin ku sameeyo raiisul wasaaraha dalka.

Madaxweynuhu wuxuu kala diri karayaa Gollaha Wasiirada iyo Raiisul wasaraaha kolka ay waayaan kalsoonida Baarlamaanka dalka.

Sidoo kale madaxweynuhu wuxuu eryi karaa xubnaha Gollaha xukuumada ka tirsan kolka u raiisul wasaaruhu raali ka noqdo.

Qodobka 69aad ee Dastuurka dalku waxa uu Gollaha Shacabka Soomaaliyeed awood u siinayaa in ay kalsooni u qaadaan Raiisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisa.

Hadaba waxa haatan la sugaa waa in Baarlamaanka dalku uu kala saaro madaxda dalka oo aaney dhicin sidii hore noo soo martay oo ay shisheye walaaqaan hanaanka dalka u yaala.

SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed