Siyaasi Cawed Cashara Oo Ka Soo Horjeestay In Madaxweyne Xasan Sheekh Xilka Ka Qaado Saacid Shirdoon
Canada:16-Nov-2013(SDN)-Siyaasiga soomaaliyeed ee Cawed Axmed Cashara ayaa ka hadlay khilaafka u dhexeeya Madaxda Sare sare Ee Dawlada Faderaalka Somalia isagoo si hoose u sharraxay waxyaabaha lagu kala saari karo labadan masuul.
Cawed Cashara oo waraysi siiyey warbahinta ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay khilaafka, Wuxuuna Sheegay In Haatan Madaxwaynaha aanu Booska Ka Qaadi Karin Rai’sal Wasaaraha, Baarlamaankana uu Ridi Karoo oo keliya .
Sidoo kale cashara ayaa intaasi ku daray In Madaxwaynaha Soomaaliya uu Faragelin Ku Hayey markii Horaba Howlihii Xukuumada loo igmaday , Hasa Ahaatee Aysan Dhibaato ku Jirin Maadaama Raali Laysaga Ahaa.
Siyaasiga cashara ayaa dhinaca kale Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Hordhigay inuu Ka Jawaabo Su’aalo Dhowr Ah iyo Waxyaababaha Ay Isu Casishay Gudoomiyihii Bankiga islamarkaana daboolka ka qaaday in gudi baadhitaan ku sameeya sababta is casilaada uu sameeyo madaxweynuhu hadii kale ay keeni karto sumcad xumo ka daran midi hore u haysatay Somalia
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com