Dawladda Maraykanka Oo Digniin Ka Soo Saartay Weeraro Shabaab Ku Soo Waddo Xarumaheeda Ku Yaalla London
Nairobi:16-Nov-2013(SDN)-Xukuumadda Mareykanka ayaa digniin kasoo saartay in weerarada argagixisada ah ee ka dhacay dalka Kenya oo Al-shabaab ay geysanayaan ay la beegsadaan saameeyaan xarumaha dowlada Mareykanka ay ku leedahay dalkaasi kenya.
Warbixinadii ugu dambeeyay ee kasoo baxayay wasaarada arimaha dibada waaxda u qaabilsan la talinta amaanka ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in Al-shabaab iyo kooxda Al Hijra ee dalka Kenya ay badhtilmaameydsan karaan xarumaha gaar ahaaneed ee dalka Mareykanka.
Warbixinadaasi ayaa lasii daayay wixii ka dambeeyay markii Al-shabaab ay weerarka ka geysteen 21 bishii lasoo dhaafay ee Septembar Westgate Mall, oo ay ku dhinteen 67 ruux, iyadoo inka badan ay ku dhaawacmeen.
Warbixinta ayaa ugu baaqday muwaadiniinta American ay feejignaan dheeri ah ka sameeyay magaalada caasimada Kenya ee Nairobi iyo magaalo xeebeebka ee Mombasa ee dalka Kenya.
Sidoo kale goobaha looga digay muwaadiniinta Mareykanka ayaa waxaa ka mid ah koobaha Hotelada dukaamada waaweyn, maqaayadaha iyo goobaha lagu cibaadeysto.
Halistan ammaan ee maraykanku qaylo dhaanta ka soo saaray, ayaa loo arkaa mid muujinaysa sida ay awooddii kooxda Al-shabaab ee ay wax ku weerari jireen kor ugu kacday, waxana ay taasi markhaati buuxa ka tahay inaan Hadda wixii ka dambeeya aan la dhayalsan Karin halista kooxdaasi ka soo socota.
S.D.N